U bood dhigaalka

Faahfaahinta Qaraxa Ka Dhacay Jidka Muqdisho-Afgooye

Sheeko:Amniga

Waxaa faahfaahinno dheeraad ah laga helayaa qarax miino oo saakay  ka dhacay duleedka magalada Muqdisho kaas oo ay ku waxyeeloobeen dad shacab ahaa oo ku safrayey wadada u dhaxeysa Muqdisho ilaa Afgooye, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac sida laga helayo goobaha caafimaadka.

Agaasimaha Isbitaalka Madiina Dr. Maxamed Yuusuf oo ka warbixibiyey dadkii ku waxyeeloobay qaraxa,  waxaana uu sheegay in Isbitaalka la keenay 13 ruux oo ka mid ahaa dadkii khasaaraha uu kasoo garay qaraxa isaga oo intaas ku daray in dadka la soo gaarsiiyey  7 ka mid ah ay ahaayeen dhaawac halka 6 kalena la keenay iyaga oo meyd ah.

” Maanta Qarax ayaa dhacay waxaana uu sababay in Isbitaalka  la soo gaarsiiyo 13 ruux 7 dhaawac ayey aheyd una badnaa in ay madaxa ka dhaawacnaayeen saalada ayaan ugu tagnay,  waan xalinay,  waana daaweynay 6-na waxaa ay ahaayeen meyd, tirada guudna waxaa ay ahaayeen 7 dhaawaca iyo 6 meyd ah” ayuu yiri Dr. Maxamed Yuusuf.

Agaasime Maxamed Yuusuf ayaa sheegay in maalmahaan Isbitaalka aan la soo gaarsiinin tiro sidaan u badan oo ku soo dhaawacmay qarax ay la kulmeen waxaana uu xusay in la keenay isbitaalka qof ama la qof oo qabo dhaawacyo.

Wali ma jirto cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas,  qaraxan ayaa 16 ruux oo saarnaa gaari kali ay badbaadeen 3 ruux oo ka mid ahaa rakaabka.

Halkan Ka Daawo DR.Maxamed Yuusuf oo la hadlay warbaahinta

Goobjoog News