U bood dhigaalka

Faahfaahinta Qaraxa Waxyeellada Badan Ee Baydhabo

Sheeko:Amniga

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhaba ee caasimadda dowlad goboleedka Koonfur galbeed ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay halkaas galinkii dambe, kaas oo sababay khasaare soo gaartay dad shacab ah sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo ku ugan magaalada Baydhabo .

Qaraxa oo ahaa mid dhulka la geliyey ayaa ka dhacay xero ay deggan yihiin dad barakacayaal ah oo ku taalla waqooyiga magalada Baydhabo halkaasi oo xilliga qaraxa uu dhacayey ay socday cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka oo dad isugu yimid ay ugu dalbaal-degayeen munaasabadda maalmaha ciidda.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay ka soo baxayaan khasaaraha dhabta ah.

Weriyeyaal ku sugan magaalada ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in 5 ruux ay geerriyootay halka dadka dhaawaca ahna ay ku dhow yihiin 30 ruux sida ay xaqiijinayaan wararkii ugu dambeeyey ee soo baxay.

Goobjoog News