U bood dhigaalka

Faahin Faahin: Dagaal Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Sh/hoose

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyay ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

Wararka ay heshay Goobjoog ayaa waxay sheegayaan in dagaalkaasi bilowday kadib markii Al-shabaab ay weerar kusoo qaadeen fariisin ay ciidanka DFS ku lahaayeen halkaasi.

Dagaalka oo socday in ka badan Labo saac ayaan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee Labada dhinac soo kala gaaray.

Dadka deegaanka oo aan la hadalnay waxay sheegeen in ay jirto madaafiic habow ah oo kusoo dhacay xaafadah qaar ee degmada Qoryooley, walow aanay khasaare geysan.

Saakay ayaa lasoo sheegayaa in ciidanka dowladda federaalka degmadaasi ka wadaan dhaq-dhaqaaqyo.

Dhanka kale, saraakiil ka tirsan ciidanka xoopgga dalka oo aan la hadalnay waxa ay sheegeen in ay iska caabiyeen ciidamada Al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News