U bood dhigaalka

Faa’idada Ilaalinta Deegaanka

Waxyaabaha ugu muhiimsan ee saameynta ku leh nolosha aadanaha waxaa ka mid ah sida uu u egyahay deegaanka uu aadanuhu ku nool yahay ee uu noloshiisu ay ku tiirsan tahay.

Dhibaatooyinka deegaanka ee dalka mid aad u tiro badan oo saameyn adag ku yeelatay nolosha bini Aadamka iyo duurjoortaba.

Caqabadaha iyo dhibaatooyinka deegaanka ku dhaca waxa ay mar noqotaa mid dadka ay ka dhigaan deegaankooda mid aan lahayn manaafacaad dhanka wax soo saarka ah marna waxaa jira dhibaatooyin dabiici ah oo dalka ka dhaca sida abaaraha soo laa laabta amaa biya yarida iyo xaalufka dhirta.

5-ta June waa maalin loo asteeyay maalinta deegaanka  ahmiyad nucee ah ayey leedahay maalintan waxaan waydiinay Cabdirashiid Cartan oo ah bare jaamacadeed bartayna cilmiga maareynta deegaanka.

“maalintan waa maalin qaramada midoobay ay u asteesay deegaanka waxaana la siiyay ahmiyad balaaran taasi oo ah dhowrista iyo ilaalinta iyadoo wacyigalin loo sameeyo bulshada laguna baraarujiyo hormarinta deegaanka xag nadaafad iyo wax soo saar”

Deegaanka waxyaabaha lagu ilaaliya waxaa ka mid ah dhirta oo la beero si deegaanka uu u noqdo mid nabaad guur uu ku dhaco si taasi looga hortagana waxaa la iskudayaa in la hakiyo jarista dhirta .

Wasiirkii hore ee Beeraha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Axmed Maxmed         Baafi ayaa Goobjoog ugu waramay sida deegaanka loo hormarin karo.

“marka la’eego deegaankeena waxaa ku tiirsan dhaqalaha waddankeena iyadoo ay jirto dhibka ka haysta dhuxulaynta dhirta deegaanka lagu hayo waxaana guud ahaan dowladda looga baahan yahay inay qeyb ka qaadato ka hortagga in dhirta la jaro”

Waxaa jira ururo iyo hay’ado ka shaqeeya hormarinta deegaanka kuwaasi oo sameeya tabababarro iyo wacyigalin la siiyo dadka beeralayda ah si wax soosaar wanaagsan ay u yeeshaan mustaqbalka dhaw.

Ciise Xasan waa guddoomiyaha ururka dhallinyarada hormarinta beeralayda Soomaaliyeed oo ay ku mideysan yihiin arday Soomaaliyeed waxa ay sameeyaan wacyigalin ku saabsan deegaanka iyo hormarintiisa waxaana uu ka sheekeeyey olalahan ay wadaan.

“si loo fidiyo beeraha iyo wax soosaarka dalka waxaynu xoogga saaraynaa sidii aan wacyigalin ku filan ula wadaagi lahayn beeralayda iyo ardayda baranaysa kuliyadda beeraha taasi oo ka caawinaysa inay dalka wax ku soo kordhiyaan “

Qaar ka mid ah ardayda Soomaaliyeed ee barta Cilmiga Beeraha ayaan maalintan wax ka weydiinay iyo sida loo hormarin karo deegaanka waxaana ayna sheegeen inay tahay in bulshada ay u istagaan hormarka deegaanka ay ku nool yihiin.

Sanadkii 1972-dii ayey ahayd markii Qaramada Midoobay ay u asteeysay maalinta deegaanka Adduunka 5-ta June waxaana maalintan oo kale laga xusaa adduunka oo dhan.

W/D: C/wahaab Maxamed Ibraahim

Tifaftiray: Bashiir Maxamuud Wehliye