U bood dhigaalka

Faa’idooyin Caafimaad Oo Laga Helo Qolofka Liinta

Sheeko:Caafimaadka

In badan oo dadka ka tirsan ma oga faa’idooyinka waaweyn ee caafimaad iyo midda  quruxeed ee liintu ay leedahay, waxaa taa kasii daran in qolofkeeda oo dadbadani ay iska tuuraan laga helo 10 laab in ka badan Vitamin C– ga laga helo cabitaankeeda.

Qolofka liin Banbeellada waxaa laga helaa 5-10 laab Vitamin C-ga laga helo cabitaankeeda, ku darso  waxaa ku jira Vitamin A oo aad ugu badan oo caafimaadka kordhiya kuuna ilaaliyaa.

Hadaba, halkan hoose ka daalaco 7 faa’ido oo laga helo qolofka liin Banbeellada :

1 – Waxaa Lagaga Hortagaa Kansarka

Qolofka liinta waxaa lagula dagaallamaa kansanrka, waxana laga helaa labada maaddo ee kala ah  Flavonoid iyo Salvestrul Q 40 oo lagula dagaallamo unugyada kansarka, sidaa darteed haddii aad joogteyso cabitaanka qolofka liinta laga sameeyay waxaad ka hortagi kartaa noocyo badan oo kansar ah oo uu ka mid yahay kansarka naasaha, Colon-ka iyo kuwo kale.

2 – Kolostarolka Jirka oo uu Hoos u Dhigo

Qolofka liinta waxaa loo adeegsadaa in hoos loogu dhigo Kolostarolka dhibaatada u leh jirka, waa arrin u fiican halbowlayaasha jirka iyo caafimaadka wadnaha.

3 – Caafimaadka Lafaha

Qolofka liinta waxa uu u roon yahay caafimaadka lafaha, Vitamin C Farabadan iyo Calcium laga helo darteed.

4 – Ka Hortag Cudurrada Wadanaha

Qolofka liinta waxaa laga helaa maadada potassium taas oo heerkeeda dabiiciga ah ee dhiigga ilaalisa, sidaa darteed waa u muhiim caafimaadka wadnaha iyo xididada dhiigga.

5 – Caafimadka Ilkaha

Vitamin C waxaa lagu yaqaannaa, marka uu ku yaraado jirka inuu keeno mushkilado badan oo afka iyo ilkaha ah, hadaba qolofka liintu waxa uu muhiim u yahay joojinta dhiigga ciradka  iyo caabuqa ilkaha.

6 – Ilaalinta caafimaadka

Iced citric oo laga helo qolofka Liinta iyo Vitamin C, haragga sare ee jirka ayay u roon yihiin, dhiigga ayay nadiifiyaan waxayna meesha ka saaraan waxyaabaha ku dhaggan unugyada haragga ee gudaha, arrinkaas oo ku siinaya jir caafimaad leh oo ifaya, sidaas oo kale waxaa ku jira qolofka liinta maaddo waxyaabaha suntan ah jirka ka saaraysa.

Haddii aad leedahay finanka wajiga qolofka liinta oo aad wajiga saarato ayaa kaaga filan dawooyinka kale ee kimikalka ah.

7 – Miisaanka oo  Lagu Dhimo

Qolofka liinta waxa lagu yareeyaa miisaanka jirka, waxaa laga helaa maadada Pectin, taas oo miisaanka jirka yareysa.