U bood dhigaalka

Faa’idooyinka Mooska Laga Helo

Sheeko:Caafimaadka

Mooska waxa uu leeyahay faa’idooyin aad u tiro badan, lamana  tiring karo faa’idooyinka uu mooska leeyahy halkaana laguma soo koobi karo, waxaa lagu tiriyaa mooska inuu yahy fawaakih hodan ku ah fatimiinada kuwaas oo dadka ay ka helaan  fatamiinada A, B iyo D.

Sidoo kale mooska ayaa hodan ku ah qaar ka mida macdanka muhiimka u ah caafimaadka jirka bani’aadanka, kuwaas oo ay ka mid yihiin sida Potassium , carbohydrate  sidoo kale waxaa ku jira qaar  ka mida  aashitooyin  jirka faa’idada u leh.

Hadaba warbixintaan waxaa idin kugu soo gudbinaynaa faa’idoonka uu mooska leeyahay kuwaas oo ah kuwo wax ku ool ah waxaana ka mida.

  1. Yareynta Miisaanka: Mooska waxa uu gacan weyn ka geystaa inuu yaraado miisanka qofka, waxaana ku jirat maado lagu magacaabo Karboohaydarood oo la dagaalanta baruurata iyo dufanka, sidoo kale waxay ka qeyb qaadataa inuu miisanka qofka uu hoos u dhaco .
  2. Awood Siin: Mooska waxa uu leeyahy awood siin dheeri ah oo uu jirka siiyo, waxaana inta badan lagu booriyaa dadka sameeya Aalamiitada inay cunaan Mooska ka hor inta aysan sameyn Aalamiitada, kaasi oo jira u siyaadinaayo awood dheeri ah oo u surto galinaysa inuu Aalamiiteeyo 90 daqiiqo oo xiriir ah.
  3. Waxa uu daawo U yahy Habdhsika Dheefshiidka iyo calool fadhiga: waxaa ku jira Mooska nuuc ka mida Buriitiinka geedaha, waxayna qeyb ka qaataan inuu si wanaagsan u shaqeeyo habdhiska dheef shiidka iyo inuu jilciyo caloosha isagoo wax daawo ah aan loo kaalmeysanaynin wax dawooyin ah, waxa uu la dagaalamaa mooska inay xaloosha fariisato.
  4. Waxa uu daawo u yahay Aashitada: waxa uu ka shaqeeyaa mooska inuu daaweeyo oo uu yareeyo Aashitada caloosha si deg deg ah.
  5. Waxa uu daawo u yahy dadka caba Sigaarka: waxa uu dawo caafimaad u yahy dadka cabo sigaarka, kaasi oo kasaara wasaqda sigaarka ka saaro waxa uuna yareeyaa saameynta uu sigaarka uu ku leeyahy jirka, waxaanka ku jira koox fatamiino ah oo ka shaqeysa inay yareeyaan saameynta xun uu ku yeelanaayo sigaarka jirka.
  6. Waxa uu caafimaad u yahy wadnaha: Potassium waa cunsur asaasi ah waxa uuna ka shaqeeyaa inuu ilaaliyaa inuu wadnaha si nabadgalyo ah uu u shaqeeyo waxa uuna habeeyaa dhiig karka, cusurkaan cuntooyinka laga helo waxaa ka mida Mooska,cunista mooska waxay yareysaa cudurada ku dhaco wadnaha wadno istaagga.
  7. Waxaa ilaaliyaa caafimaadka Kaliyaha: Mooska oo la cuno todobaadkii marar dhowr ah waxa uu yareeyaa cudurada ku dhaco kaliyaha 50% tan, maxaa yeelay waxaa ku jira cusurka Potassium, kaaso oo ka shaqeeya inay kiliyaha si caafimaad leh ku shaqeeyaan.
  8. Waxa uu la dagaalamaa Gabowga: Mooska waxaa ku jira Fatamiino aad u sareeyo kuwaas oo ay ka mid yihiin Fatamiin A, iyo C sidoo kale waxaa ku jira Aashitooyin  diidaya inay timaado Gabow deg deg ah.

Goobjoog News