U bood dhigaalka

Faa’iso Cabdi “Booliiska Wuxuu Iga Diiday Inaan Dumar Ahay” (Video)

Sheeko:Dalka

Waxaa aad loo hadal hayey saacadihii lasoo dhaafay gabar Soomaaliyeed oo ciidanka Booliiska u maleeyeen iney tahay rag soo xirtay dharka dumarka, islamarkaana la geeyey saldhigga Booliiska degmada Boondheere si baaritaan loogu sameeyo.

Faa’iso Cabdi Maxamed oo ah gabadha arrinta ku dhacday ayeey ciidanka waxa ay kala degeen Mooto Bajaaj ay saarneyd, iyada oo ku socotay hoygeeda ku yaalla isla degmada Boondheere.

Waxay Booliiska saacad ka badan ku hayeen saldhigga Boondheere iyaga oo u sheegaya iney rag tahay, xitaa haddii baaritaan ay ku sameeyeen dumarkii Booliiska ah.

Hadaba Faa’iso uu u warantay Goobjoog ayaa waxay ka sheekeysay sida ay wax u dhaceen, sidoo kalena waxay faa’iso sheegtay in aflagaado badan kala kulantay Booliiska qabtay iyo waliba taliyahii joogay saldhigga Boondheere.

Halkaan hoose ka daawo muuqaalka: