U bood dhigaalka

Faallo: Riwaayadda Galmudug..Dhammaad Ma Leedahay?!

Sheeko:Dalka

Muuqaalka uu ka soo dhex-muuqday Abuukaate Yaxye Sh. Cali Maxamed 3/10/2017-kii, isla markaana uu ku-geshtay shaati aanu laheyn, kuna sharciyeeyay xilka qaadista madaxweynaha Galmudug, guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka Galmudug-na, isaga oo markaana ugu magacaabay xilka sii hayaha madaxweynaha Galmudug guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee baarlamaanka Maxamed Axmed Macalin….waxaa ay qeyb ka aheyd riyaawad maal-mahan ka socotay maamulka Galmudug oo mas’uuliyadeeda dad kala duwan qaadanayaan!

Bilowga Sheekada:

September 20-keedii, Maamul Goboleedka Galmudug ayaa noqday maamulkii 4aad ee ka mid ah maamul goboleedyada Soomaaliya ee taageera Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka carabta ee xiriirka u jaray dalka Qatar, arrintan ayaa timid kadib markii uu madaxweynaha Galmudug soo saaray qoraal uu arrintaasi ku shaaciyay.

Maalintii xigtay, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi (Carrabeey) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ee Galmudug Cali Casir oo shir jar’aaid ku qabtay Cadaado, waxaa ay ka soo horjeesteen go’aanka Xaaf iyaga oo intaa raaciyay in ay taageerayaan go’aanka dhex-dhexaadnimada ee dowladda federaalka ah…..Saacado kadib, waxaa Galmudug ka dhashay xulufeysi iyo siyaasado is-diidan.

Baarlamaanka Oo Kala Jabay:

Arrinta Galmudug waxaa ay cirka isku shareertay markii ay kala jabeen golaha baarlamaanka gobolka, qeyb raacday garabka madaxweyne Xaaf iyo qeyb kale oo la bahoobey guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Labo Xil Ka Qaadis:

Xildhibaano taageersan guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka ayaa xil ka qaadis ku sameeyay madaxweynaha Galmudug, iyaga oo taasi ka jawaabaya ayey Xildhibaanno Xaaf taageersanaa iyagana xilkii ka qaadeen madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka.

Dhinaca kale Xildhibaanada taabacsan Madxweyne ku xigeenka Galmudug waxa ay kulan ay yeesheen ku doorteen Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug kaas oo ka kooban 13 Xubnood.

Go’aanka Dowladda Federaalka:

Daqiiqado  kadib markii xilka laga qaaday madaxweynaha Galmudug waxaa qoraal arrintaasi lagu ayidayo soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah, waxaa kale oo xusid mudan in wasaaradda iyo dowladuba midna aaney ka hadlin xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku-xigeenka.

Dhex-dhexaadinta Baarlamanaka Federaalka Ah:

Xildhibaanno ka kala socday baarlamaanka federaalka ah labadiisa aqal ayaa Cadaado gaaray September 27-keedii, wada hadal ay labada dhinac isku soo hor-fariisiyeen ayaan miro-dhal noqon, taas oo keentay in ay soo saaraan war saxaafeed ay wax badan ku sheegeen.

Xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in bur-bureen wadahadalladii socday, kadib markii garab  ka mid ah dhinacyadii uu diidan in wada hadalka la furo.

Sidoo kale xildhibaannada ayaa sheegay in dowladda dhexe ay farogelin weyn ku sameysay arrinta Galmudug, Cadaado la geeyay shaqsi musharrax ah oo ay sheegeen in dhanka Villa Soomaaliya laga keenay laguna bixiyey hantidii qaranka.

Waxay xildhibaannadan sheegeen in madaxweyne Xaaf uu aqbalay talo soo jeedintoodii ahayd wadahadalka, halka madaxweyne ku xigeenka, guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenkiisa Labaad ay diideen iney ogolaadaan furidda wadaxaajoodka

Gaas Oo Dowladda Federaalka Ah Ku Eedeeyay In Ay Dhinac La jirsatay:

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa dowladda federaalka ah ku eedeeyay in ay dhinac la jir-satay arrinta Galmudug, waxaa hadaladiisa ka mid ahaa “Dabcan waxaa is-qabtay Galmudug madaxweynihii, madaxweyne ku-xigeenka iyo guddoomiyaha baarlamaanka, aragti kala duwan bey qaateen, fikrado kala duwan ayey qaateen, waxaa la rabaa marka ay sidaasi tahay in aan dhan la raacine, isla markiiba waxaa ay dowladda federaalka soo saartay xaashi oraneysa-nimanbaa shiray xildhibaano ah waxa ay yiraahdeen waan ridnay madaxweynihii- daqiiqado kabacdi ama saacado kabacdo dowladda federaalka ah xaashi ayey soo saartay go’aankii, waxaas wax loo baahan yahay ma ahan”

Dhibaatada Waa Federaalka:

Madaxweyne ku-xigeemkii hore ee Galmudug Maxamed Axmed Caalin  ayaa ka mid ah dadka arrintan ka hadlay, isaga oo dhibaato ku sheegay nidaamka federaalka ah.

Maxamed Axmed Caalin ayaa sheegay in hadda uu khilaaf soo kala dhxegalo madaxda maamulkaasi ay tahay wax laga xumaado dhibaatadaasna ay wada taabaneyso dhammaan umadda reer Galmudug.

“Arinta Galmudug dhibaatada iyo Khilaafka ka jira runtii aad iyo aad ayaan uga xumahay,waana wax laga xumaado oo umadda reer galmudug dhammaanteed wadataabanay” ayuu yiri Maxamed Axmed Caalin.

Caalin ayaa waxaa uu intaas ku daray in Khilaafka Galmudug uu salka ku hayo arrinta Fadaraalka oo inta badan aysan fahansaneyn shacabka Soomaaliyeed nidaam ahaan iyo sharci ahaamba.

Gogosha Jubbaland:

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in uu jiro cago-jiidka maamullada qaar in ay tagaan Kismaayo, waxaa kale oo la sheegayaa in xitaa dowladda federaalka aaney rabin arrintaas, taas oo mugdi sii gelisay rajadii laga lahaa khilaafka dowladda federaalka ah iyo maamul-goboleedyada iyo xitaa arrinta Galmudug.

Gebagabada Masraxiyadda:

Go’aanka uu soo saaray qareenka sheegtay guddoomiyaha maxkamadda sare ee Galmudug, dhaqaajin la’aanta xiisadda Galmudug iyo geedi-socodka maamulkaas waxaa ay ku xiran tahay in dowladda federaalka ah ay qaadato go’aan xikmad ku jirto, si loo bad-baadiyo inta ka harsan jiritaanka dowlad goboleedka Galmudug balse haddii Villa Somalia sii aamusnaato, waxaa uu hubaal ah in fowdada sii badan-doonto isla markaana masraxiyadda Galmudug aaney dhawaan soo qormi-doono “Dhammaad”!!

Goobjoog News