U bood dhigaalka

Saxafi Noocee ah ayey Dowladdu Jeceshahay?!!

Sheeko:Dalka

Cadaadiska lagu hayo Saxaafadda iyo Saxafiyiinta ma ahan arrin curdin ah, Loolanka Saxaafadda iyo dowladda waa mid soo jireen aheyd  50kii sano ee ugu dambeysay, Khubaro ay ka mid yihiin Cabdi X. Goobdoon, Macalin Faarax, Caano-Geel, Yusuf Xasan, Catoosh iyo rag kale ayaa kala sheekeystay Saxaafadda iyo Saxafiyiinta Soomaaliyeed.

Dhamaan Macallimiintan waxaa ay qabaan in Saxafiyiinta Soomaalida badankood aaney laheyn Aqoon iyo Khiraddii laga rabay, in aaney helin tababarradii loo baahnaa iyagoo qiray in  Saxafiyiinta qaarkood  ay si qaldan u isticmaalaan mihnaddan sharafta leh, lakin waxaa ay isku raaceen in ay ku jiraan sidoo kale dad sharaf leh, aqoon leh, karti leh, si xor ah u shaqeysta ama u dhintay xitaa iyagoo waajibkooda ku jira!!

Saxaafadda Soomaalida waxaa ay dhibaato aragtay wixii ka dambeeyay October 21, 1969-kii, sida lagu yaqaano kaligii talisyada caalamka, Jaalle Siyaad iyo Xisbigiisa waxaa ay gacanta ku dhigeen oo xakameeyeen warbaahinta dalka, dalkeena xilligaas waxaa uu lahaa hal Raadi, hal Telefishin iyo hal Wargeys iyo SONNA oo u sheegta waxaa ay sii deyn lahaayeen!!

Macalin faarax  Cumar Nuur oo ah tababare Saxaafadda, in bandanna ka shaqeynayey Telefishinkii Soomaaliya waxaa uu ii sheegay dhacdo ku tusineysa sida ay u shaqeeyn jireen hay’adaha Amaanka iyo guud ahaa Wasaaradaha dowladda xilligaas.

Waxyar ka hor ridistii dowladdii dhexe ayuu Jaalle Siyaad tagay Garoonka Kubadda Cagta si uu ciyaar u daawado, rabshado halkaas ka dhacay 3 rayid ah ayey Ciidankii Jalle Siyaad Barre garoonka ku dileen, lakin arinkaas si loo daboolo 3 Wasaaradood iyo Hay’adaha amaanka ee dowladda  aya ka arinsaday waxa ayna ku amreen Warbaahinta qaranka in laga sii daayo in sadexda qof u dhinteen kadib markii garoonka ay dadka is buurteen!!

Cabdi Xaaji Maxamed Goobdoon, waa Khabiir warfaafinta isagoo ku biiray Radio Muqdisho 1966, Waxaa uu qabaa in Warbaahinta dowladda ama warbaahinta Qaranka loogu yeero aaney Weriyeyaasha dalka siinin fursad Hal-Abuur ama fikirkooda ku sheegi karaan ilaa iyo hadda, Goobdoon waxaa uu ii sheegay in isaga lagu dhibaateeyay war uu qoray xilli hore ayna haboon tahay in Saxafiyiinta ka shaqeystaan warbaahinta gaarka ah si fakirkooda xor u ahaadaan!!

Saxaafadda iyo Xilligii burburka waxaan kala sheekeystay Alle Ha u Naxariistee Maxamed Adan Guuleed Caano-geel oo Tifaftire ka ahaa Wargeyska Xog-Ogaal intii u dhaxeysay 1991-2003dii, Caano-Geel waxaa uu ii sheegay in weerar lagu soo qaadey wargeyska, hortiisa lagu dibad baxay, una bareereen khatar iyo dhibaato badan taasina ay maanta keentay in Xog-Ogaal keyd u noqoto  Sooyaalka Soomaaliya 25 sano ee la soo dhaafay iyo in ay soo saaraan Saxafiyiin tayo leh.

Geeridii Ceydiid kadib waxaa ay bulshada rayid ah bilaabeen Idaacado iyo TViyo, kuwaas oo qeyb ka noqday is badalkii dalka ka dhacay 15kii sano ee la soo dhaafey, lakin Idaacadahaas iyo Weriyeyaashooda dhibaatada loo geystay waa sheeko dheer oo maalin kale u baahan!!

Dhinaca kale Saxaafadda Soomaalida maanta waxaa shaqo ka dhigtay qof kasta oo shaqo la’aan ah, waxaa soo baxay Wargeyso iyo Websiteyo shaqadooda yahay ceeb-sheeg, kama hadlaayo dhaliilasha dadka dowladda ka shaqeeya balse waxaa ay daabacaan wax walba oo Liddi ku ah qaranimada Soomaaliya!!

Khabiirka Saxaafadda Soomaaliyeed Yusuf Xasan ahna Tifaftiraha wargeyska Xaqiiqo Times waxaa uu qabaa in Saxaafad mas’uul ah loo baahan yahay isagoo ii sheegay in uu gobollada Soomaaliya ku soo wareegay si loo soo saaro Weriyeyaal xirfad leh, waxaa fakirkaas la qabo Weriyaha BBC-da laanta Afka Soomaaliga Cabdirisaq Xaaji Catoosh oo isagoo sida lagu yaqaano Xamaasad ka muuqato  igu yiri” “Warbaahinta, ma ahan in ay sheegto wax walbo oo ay og tahay”, waxaan qabaa in warka la soo deynayo laga eego  dhibaatadiisa xagga Akhlaaqda, Diinta iyo xitaa nabad galyada”!!

Hadaba waa su’aale, Saxafi Noocee ah ayey Dowladda Jeceshahay?!! Inta aanay Nooca sheegin bal Akhriso noocyada Saxafiyiinta iyo shaqadooda!

Saxafiyiinta waxaa ay u kala Baxaan ilaa 4 Nooc:

Awood Caabud: Kooxdan hore, Waxaa ay ka dambeeyaan Awoodda iyo qof kasta oo madax ah, waa nooca ay Soomaalida tiraahdo, Hooyadey ninka qabo waa Adeerkey, noocan waa soo jireen, waxaa ay u gabyaan, wax u qoraan, u heesaan  cid walba oo dalka Madax ka noqota!!

Sharuur: Noocan waxaa loo yaqaanaa sidoo kale“ Ku Shubo” , kooxdan waxaa ay ka jiraan meel walba oo dunida ah, Malaha Mabda iyo ujeeddo fog, Waxaa ay la quraacdaan Mucaaradka, Waxaa ay la Qadeeyaan Wasiirrada, Waxaa ay La Casheeyaan Fanaaniinta!!

Ha lagu Barto: Waxaa jiro nooc kale oo Saxaafadda ka tirsan balse nasiib darro Mooryaan ah, Noocan, Waa Caado-qaatayaal, malaha sharaf iyo Diin midna, Waxaa ay ka gacansadaan sharaf dilka dadka, waxaa ay raadiyaan cawrada iyo ceebta Banii’aadamka, waa ay faafiyaan fadeexadda iyo xanta, dunida waxaa looga yaqaanaaTabloid, Noocan lacag ayey helaan lakin waxaa ay dunida uga tagaan Ceeb iyo sumcad darro!!

Saxafiyiinta Garabta Bidix: Kooxdan, waa xirfadley, aqoon-yahan ah, sharaf leh, waxaa ay Mucaarad ku yihiin Maamulka iyo dowladda jirta, waxaa ay dadka tusaan xumaanta, Musuqa, ku takri falka Awoodaha, Cadaalad darrida, Eexda, Qabyaaladda, Nin jecleysiga, waxaa ay la xisaabtamaan dowladda, waxaa ay isticmaalaan awoodda afaraad ee dowladda oo ah Warfaafinta, kooxdan dambe  waxaa loo geystaa dil, dhac iyo xabsi, Lama iibsan karo fikirkooda, dunida waxaa ay ka tagaan iyagoo sharaf iyo qadarin leh bulshada dhexdooda, lakin lacag iyo hanti adduun lagama dhaxlo!!

Dowladaha waxaa ay jecelyihiin oo ay la shaqeystaan Saxafiyiinta ku abtirsada 3-da nooc ee hore, waayo Siyaasadda waa ciyaar isbadal badan, Ma laha Saxiib ama Cadaw joogta ah, waxaa ay leedahay Maslaxad joogta ah, Siyaasiyiinta waxaa ay doonayaan Saxafiyiin ay si fudud u iibsadaan, fikirkoodana suuqgeyn kara, lakin Saxafiyiinta dambe sida aan sheegnay waa koox Madax adag oo wax walba ka hormariya danta guud ee dalka, dadka iyo diinta, sidaa darteed lama jeclo oo  Xabsi ayey ku uraan!!

W/Q:  Cabdi Caziz Gurbiye,

[email protected]