U bood dhigaalka

Faallo: Villa Somalia Oo Maamul Goboleedyada U Dhigtay Cashir Taariikhi Ah, Waan Baahanahay Bakhtiga Looma Cuno!

Sheeko:Dalka

Dowladda Federaalka ah ayaa mar kale ku celisay go’aankeeda dhex-dhexaadnimada ah ee ku aadan xiisadda Khaliijka iyada oo sidoo kale maamul goboleedyada xusuusisay in Villa Somalia looga dambeeyo siyaasadda arrimaha dibadda sida dastuurka federaalka ah ku qoran.

Ku-celinta xukuumadda Soomaaliya ee go’aankeeda dhex-dhexaadnimada ah ee Xiisadda Khaliijka, keliya ma aha fariin ku socota maamul goboleedyada ee waa caddeynta in qarankan Soomaaliyeed uu leeyahay go’aan madax-bannaan oo ay dowladda iyo shacabkaba ku mideysan yihiin.

Soomaaliya waxaa ay 10 sano taageeri jirtay dalka Masar kadib markii shirkii Baqdaad ay dalal carbeed oo ay Sacuudiga iyo Imaaraadka ugu horeeyaan go’aamiyeen in xiriirka loo jaro dalka Masar, Carabta waxaa ay Qaahira ku ciqaabayeen xilligaas heshiiska ay la gashay Isra’il ee Camp David.

Go’aankaasi Carabta kadib, xarunta jaamacadda carabta waxaa laga raray Qaahira, in Masar la go’doomiyo waxaa iska diiday dalalka Soomaaliya, Cammaan iyo Suudaan, Muqdisho xilligaas waxaa ay ka soo baxday dagaalkii 77, waxaa ayna aad ugu baahneed taageerada dhaqaale ee Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Taariikh ahaan, Soomaaliya waxaa ay ku jirtay xarakada loo yaqaano “The Non-Aligned Movement (NAM” oo aan meelna la jirin, waxaa ay Muqdisho ka qeyb-gashay 1961-kii shirkii ka dhacay Belgrade.

Go’aanka Dowladda Federaalka ah: Qoraal ay maanta soo saartay xukuumadda federaalka ah, waxaa lagu sheegay in Soomaaliya ay door dhex-dhexaad ah ka taagan-tahay muranka wadamada khaliijka qaarkood, una aragto in khilaafka jira lagu xaliyo si nabadgelyo ah oo ay wallaaltinimo iyo diblomaasiyad ku dheehan tahay.

Isla qoraalkaas waxaa lagu muujiyay in dowladda federaalka ah ay mar walbo joogteyso la shaqeynta iyo la tashiga dowlad goboleedyada taasi oo ka soo horjeedda qoraallada ay soo saareen maamullada.

Qodobka ay dowladda federaalka ku dooday waa qodobka 54aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya oo dhigaya in Dowlada Federaalka oo kaliya ay awood u leedahay  go’aan ka gaarista arrimaha dibedda, Difaaca, muwaadinimada, socdaalka iyo siyaasada Lacagta.

Waxaa kale oo maamul goboleedyada la xusuusiyay in Soomaaliya ay taariikh u leedahay arrimaha noocan ah,  Soomaaliya waxaa ay diiday in ay xiriirka u jarto Masar kadib markii carabta kale sidaa sameeyeen wixii ka dambeeyay heshiiskii Masar iyo Isra’il Camp David September 17, 1978, 10 sano kadib markii Carabta heshiisyeen oo xarunta Jaamacadda Carabta lagu soo celiyay  magaalada Qaahira waxaa loo mahadceliyay Soomaaliya.

Ergeyga qaramada midoobey ee Soomaaliya Michael Keating oo ka hor hadlay golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa muujiyay shakiga maamul goboleedyada ee xiisadda Khaliijka isaga oo yiri  “Dowladda federaalka ah ayaa qaadatay mowqif dhex-dhexaadnimo ah iyada oo taageero badan hesho, arrintaas waxaa ka horyimid maamullada qaar”.

Maamullada Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa todobaad gudahiisa la saftay xulafada dalka Sacuudiga, waxaa ka sii horeeyay Somaliland iyo Puntland, maamulladan waxaa ay sheegayaan in dano diin iyo mid dhaqan-dhaqaale uu kala dhaxeeyaan Sacuudiga iyo Imaaraadka!!

Doorashadii madaxweyne Farmaajo ee February  kadib, dalka Imaaraadka waxaa uu heshiisyo ganacsi iyo mid militari la galay Somaliland iyo Puntland, maamulka hore waxaa uu kula heshiiyay in dekadda Berbera lagu wareejiyo shirkadda DP World halka saldhig militari loo siiyay dal ahaan si ay u isticmaalaan Madaarka diyaaradaha ee Berbera, waxaa kale oo Puntland ay DP World ku wareejisay dekadda Boosaaso, Labada heshiis waxaa ansixiyay baarlamaannada labada maamul, waxaa kale oo la yaab leh maamul goboleedyada kale sababta ay u qeylinayaan.

Dr. Axmed Cali Khayre iyo AVV Cabdulahi  Faarax Qaarey  oo horay Goobjoog  News ula hadlay ayaa sharci-darro ku tilmaamay heshiisyada lala galay Imaaraadka.

Isbaheysiga Sacuudiga iyo Imaaraadka, waxaa ay ka shaqeynayaan iska horkeenista dowladda federaalka ah iyo maamul goboleedyada marka la fiiriyo cadaadiskooda wixii ka dambeeyay go’doominta Qatar iyo xitaa xilliga ay Imaaraadka heshiiska la galeen Somaliland iyo Puntland.

Dowladda federaalka ah waxaa iyada oo ilaalineysa madaxbannaanida iyo qaranimada, iyada oo ka hortageysa faragelinta shishiiye ee arrimaha Soomaaliya waxaa laga sugayaa in ay la hadasho safiirrada shishiiye ee qaska ka wado gudaha Soomaaliya iyo isla markaana iska horkeenaya dowladda iyo maamulladeeda, sidaasi waxaa ku taliyay sharci-yaqaanno.

Goobjoog News