Faallo : Xawaaladaha Waa la Xirayaa, Xalku Waa maxay ?

Dalka Maraykanka waxaa gabi ahaanba la xirayaa akoonadii ay xawaaladaha Soomaalida ku lahaayeen bangiyada dalkaasi, kuwaasi oo markii hore suurogalin jirey in lacagaha dadka ehelkooda Soomaaliya jooga ay soo gaaraan dadkii loosoo direy.

Waxaa hubanti ah in aysan arrinta u sahlanayn sida ay u shanqarayso, tahayna malaha dhibaatadii dhaqaale ee ugu weyn ee Soomaaliya soo wajahdey 30-kii sano ee lasoo dhaafay, waxaadna arrintani ka garan doontaa marka aan idinla wadaagno tirakoobyo rasmi ah.

Sida lagu ogaaday tirakoobyo la sameeyey, sanad kasta waxa Soomaaliya soo gasha oo dibadda looga soo xawilaa lacag dhan $1.6 biilyan oo doolar, tani waxa ay xitaa ka badantahay marka la’isu geeyo gargaarka uu adduunka oo dhan usoo diro Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay lacagtani xawaaladaha boqolaal jeer ka badantahay miisaaniyadda dhan ee Soomaaliya, taasi oo sanadkani 2015-ka lagu qiyaasey $216 malyuun oo kaliya.

Waxaa lacagtani ku tiirsan nolosha 40% dadka Soomaaliyeed, waxayna tani ka dhigantahay in la jarayo ishii dhaqaale iyo nololeed ee ugu weyneyd ee ay Soomaaliya heysatay.

Bangiga Merchants ee California ku yaala waxa uu ahaa kii ugu dambeeyey ee dalka Maraykanka qabanayay lacagaha xawaaladaha, isagiina waxa uu akoonadii xawaaladaha xirey 6-dii bishani feberaayo.

Lacagaha laga soo diro Maraykanka waxa ay dhanyihiin $215 malyuun oo doolar, waxayna lacagtani ka badantahay lacagta dowladda Maraykanka ay kaalmo ahaan u siiso Soomaaliya taasi oo dhan $200 milyan oo doolar.

Sababta ugu weyn ee loo cuskaday xiritaanka xawaaladaha Maraykanka ayaa waxa ay tahay in dadka qaar oo lacagaha kasoo dira Maraykanka ay si sharci daro lacag ugu diraan xarakada Alshabaab oo mabnuuc ka ah dalkaasi Maraykanka, waxayna tani ka dambeysey kadib markii haween Soomaaliyeed ay maxkamad ku xukuntey in ay taageero dhaqaale Maraykanka oga dirayeen Alshabaab.

Dadka u dhuun duleela siyaasadda, amniga iyo dhaqaalaha waxa ay farta ku fiiqayaan in arrintani labo jeer ay tahay mid ku saabsan amniga qaranka, tan koowaad waa in dhibaatooyinka amni darro ee Alshabaab ay gudaha Soomaaliya ka geysanayso ay saameyn dhaqaale oo xun ku yeelatay Soomaaliya.

Marka labaad waa in dhaqaalahan tirada badan ee Soomaaliya soo galayay ee la jarayo ay tahay arrin amniga qaranka ku qotanta sida wadamo badan ay u arkaan, tusaale ahaan dalka Masar markii Itoobiya ay damacday in ay leexsato biyaha wabiga Niilka waxa ay ku hanjabtay dagaal.

Dowladda Soomaaliya awood ay ku maquuniso dal kale ama ay cadaadis ku saarto, laakiin waxaa jira xiriir dublamaasiyadeed oo wanaagsan oo ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Maraykanka, kaasi oo haddii sida ugu wanaagsan loo isticmaalo natiijo looga gaari karo.

Waxyaabaha caqabadda ah, misane xalka noqon kara waxaa ka mid ah bangiga dhexe ee Soomaaliya oo haddii loo dhameystiro waxa uu u baahanyahay ay markaasi fududaan lahayd in lacagaha Soomaaliya loosoo dirayo lasoo marsiiyo.

Illaa iyo hadda waxaa arrinta xawaaladaha ka hadlay, qaraarna kasoo saaray baarlamaanka Soomaaliya iyo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid, kuwaasi oo dowladda Maraykanka ugu baaqay in ay gacan ka geysato in aanan la xirin akoonada xawaaladaha amaba xal kale loo helo in lacagaha ay soo gaaraan Soomaaliya.

Laakiin baaqaasi ma noqon mid ku filnaada in uu is hortaago in xawaaladaha la xiro, waxaa intaasi dheer in wali aysan jirin wax qorshe ah oo dowladda ay dajisey oo ku saabsan sidii ay u wajihi lahayd xalka arrintani.

Sida uu qabo mid ka mid ah dadka aan la hadalnay ee falanqeeya siyaasadda, haddii dowladda Soomaaliya ay ku hungoowdo xagga dublamaasiyadda, meesha kaliya eel ala tiigsan karo arrinkani ayaa ah qaanuunka caalamiga ah, kaasi oo dadka qurba-joogta xaq buuxa u siinaya in ay lacago u dirsadaan eheladooda iyo qaraabadooda ku nool dalalkii ay ka yimaadeen.

Illaa 230 malyuun oo qof oo qurba-joog ah oo ka tagay dalal kala duwan ayaa ku nool guud ahaan dunida, waxa ay dalalkooda u diraan sanad kasta $404 bilyan oo doolar, dalka Hindiya oo kaliya waxa loo direy $70 bilyan oo doolar sanadkii 2013-ka oo ka mid ah lacagtaasi guud.

Sidaasi darteed arrinta xawaaladaha waa mid caalami ah oo aanan ku koobneyn Soomaalida, sidaasi darteed dhibaatadu ma ahan in ay noqoto mid ku kooban Soomaalida.

Goobjoog News

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW