U bood dhigaalka

Faarax Cabdi: Jubbaland Wax Maamula Oo La Aqoonsanyahay Kama Jiro

Sheeko:Dalka

Faarax Cabdi Guuleed oo ka mida aqoonyahanada Soomaaliyeed gaar ahaan kuwooda ka soo jeeda deegaanada Jubbaland oo wareysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in deegaanada Jubbaland aysan ka jirin wax maamula oo la aqoonsanyahay islamarkaana maamulkii hore uu waqtigiisa dhamaaday maamul kalane aan wali la dhisin.

Aqoonyahan Faarax Cabdi ayaa yiri “Gobalkaan Jubbaland wax dowlada oo la aqoonsanyahay kama jiro maamulkii hore waqtigiisii ayaa dhamaaday maamul kalane lama soo dhisin”

Dhinaca kale aqoonyahanka ayaa tilmaamay in xilliggaan la joogo masuuliyadda ummadda reer Jubbaland ay saarantahay dowladda Soomaaliya islamarkaana loo baahanyahay in dadka ay isku keento islamarahaantaana ay maamul u dhisto

“Jubbaland guud ahaan masuuliyadeeda waxa ay saartanhay maanta dowladda dhexe In ay dadka isku keento, walaaleyso, dib u heshiisiin iyo shirna loo qabto maamulna loo sameeyo laakiin hadda rag ismagacaabay baa wada jooga” ayuu hadalkiisa ku sii daray Faarax Cabdi.

Ugu dambeyn aqoonyahan Faarx Cabdi ayaa dowladda ku eedeeyay in ay gabtay howlihii loo igmaday isaga oona dhinaca kale ku baaqay in il gooniya lagu eego maamulka Jubbaland isaga oo ka digay in xaalada maamulkaasi uu faraha ka baxo.

“Dowladda waqtigeedii iyo waqtigii loo baahnaa wey gabtay hadana waxaan ku boorinaynaa xaaladda Jubbaland xaalad cakiran bey sii galaysaa in arrinkaan fiira gaara loo yeesho hadii arrinkaasi wax laga qaban waayowaxa ay noqon doontaa in uu ragaadku sii fogaado meel aan wax laga soo qaban karina ay gaarto arrinka Jubbaland” ayuu ka dhawaajiyay Faarax cabdi oo ah aqoonyahan ka soo jeeda Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaan ku qanacsanayn natiijada doorashadii 22-kii August sanadkii 2019-kii ka dhacday magaalada Kismaayo taas oo markale dib loogu doortay Axmed Madoobe.

Goobjoog News