U bood dhigaalka

Facebook: Ku ogow si fudud, Asxaabtaada Halka ay Fadhiyaan

Inta badan dadka waxaa ay iska jecel yihiin in ay ogaadaan halka asxaabta iyo qaraabada ay ku sugan yihiin, hadda arintaas xal ayaa loo helay, Facebook waxaa ay soo bandhigtay qaab aad ku ogaan karto halka uu joogo qofka saxiibka kula ah xagga Facebooga.

Haddii aad Faduul badan tahay, waxaad ogaan doontaa qofka kasta oo Saxiibo facebook ku tihiin halka uu joogo, waxaa intaa dheer xitaa waxaad ogaan kartaa yaa la jooga!

Shirkadda Facebook ayaa soo saartay adeeg cusub oo aad loola dhacay, kaas oo aad ku ogaan karto halka ay ku sugan yihiin Saxiibada, Qaraabada iyo dadka aad jeceshahay halka ay joogaan.

Waa Adeeg casri ah oo lagu shubto ama lagu soo degsado Mibillada ama adeegga gacanta ee la isticmaalo.

Facebook Markii aad furato, waxaa ku soo bixi doono halka sare liis, Liiskaas waxaa ku jira waxa loo yaqaano Location, waxaa markaa kadib ku sii xiga adeeg kale oo ah Nearby Friends, kadib waxaa ku soo baxaya Khariido ku tusin doonta asxaabtaad kuu dhaw halka ay joogaan.

Arintan ayey Shirkadda Facebook ku sheegtay in lagu ogaan karo dadka meesha ay joogaan, dadka qaar ayaa waxaa ay jecel yihiin in ay la socdaan halka ay joogaan dadka ay sida aadka ah u jecelyihiin, adeegan ayaa arinkaas suuro-gal ka dhigaya.

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in adeegan ay ugu talo-gashay Macaamiilkeeda, iyo in ay hesho kuwo cusub iyo in ay gacan ku siiso sidii ay u heli lahaayeen Micno cusub oo xagga nolosha ah.