U bood dhigaalka

Facebook oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan ah Wararka Been Abuurka ah

Shirkadda Fecebook ayaa ku dhawaqday dagaal ka dhan ah wararka Beenta ah oo aad ugu badan barta isla markaana kalsooni darro ku abuura dad badan oo si joogta ah ugu xiran.

Shirkadda Fecebook ayaa ku dhawaaqday si rasmi ah  iney uga hortageyso wararka beenta ah ee danta gaarka ah iyo midka ganansi laga leeyahay, waa isku day lagaga hortagayo wararka sida ‘fake news’ beenta lagu curiyay.

Xilli sii horreysay oo isla sanadkan ah ayaa Facebook waxa uu bilaabay inuu dadka gaarsiiyo farriimo ku aaddan wararka beenta ah ee sida xoogga ah loogu faafiyo barta, iyadoo kan saxda ah dadka ay bartu la wadaagaysay mar kasta, sidaas oo kale cid kasta oo la arko in 50 war wax ka badan ay daabacaysana si gaar ah ayay bartu ula socotay madaama ay wararka sidaa u badan ay u badan karaan kuwo aan sal iyo raad lahayn. In kastoo baraha ay leeyihiin hay’adaha waaweyn ee warbaahinta dunida ay si gaar ah u diiwan gashan yihiin.

Facebook waxay si dhab ah ugu dhawaaqday dagaal ka dhan ah wararka been abuurka ah iyadoo soo kordhisay barnaamijyo Smart ah oo si gaar ah u falanqeynaya wararka kuwooda beenta ah si fududna u heli kara, si wararka beenta ah ee barta lagu faafiyo loo xadido.

Shirkadda waxay hadda howlihii shaqo ka xayirtay baro aad u farabadan oo la arkay iney aad u faafinayeen wararka been abuurka ah, xayaysiimahana waxay ka xayirtay wararka aan salka adag lahayn, sidaa darteed; barnmaajika cusub ee Facebook waxa uu meesha ka saarayaa danaha dhaqaale oo ah tan ugu baadan ee wararka been abuurka ah loo adeegsado taas oo ah tallaabo kale oo lagu dhisayo kalsoonida dadka Facebook-ga ku xiran.