U bood dhigaalka

Facebook Oo Kula Tartamaya Youtubeka Adeegga Muuqaallada

Shirkadda Facebook ayaa tallaabo aad u ballaaran u qaadday dhinaca suuqa muuqaallada, waxay shirkaddu suuqa soo gelisay barnaamij cusub oo la magac baxay “Watch” oo laga daawan doono ciyaaraha kubadda koleyga dumarka, safarada daahrogga ah ee janalka  National Geography iyo barnaamijyadah barbaarinta ubadka.

Mark Zuckerberg  oo ah milkiilaha iyo madaxa fulinta Facebook ayaa baggiisa kusoo qoray, in barnaamijkan cusub ee loo bixiyay “Watch” uu dadka adeegsada u ogolaanayo iney kula sheekaystaan saaxiibadood dhacdooyinka tooska ahna ay la wadaagaan, iyadoo hadhow si ku celis ah loo daawan karo.

Daniel Denker oo ah maareeyaha waxsoosaarka shirkadda  ayaa bayaan uu soo saaray Arbacadii shalay 9, August. 2017 ku sheegay  “Waxaan ogaannay iney dadku jecelyihiin muuqaallada dhinaca wararka ah, laakiin ay doonayaan meelo gaar u ah oo ay ka heli karaan xilliyada ay u baahdaan”, waxa uu sheegay in barnaamijkan cusubi uu albaabada u furi doono dadka muuqbaahinta ku shaqeeya si waxyaabaha ay duubaan  ay u helaan meelo ay ku faafiyaan.

Barnaamijkan cusub ayaa bilowgiisa hore waxa uu ku koobnaan doonaa dad gaar ah oo ku dhaqan gudaha dalka Mareykanka, kadibna waxaa loo furaya oo helaya dhammaan dalalka kale ee dunida.

Bishii May ee lasoo dhaafay ayaa shirkadda Facebook waxay heshiis kala saxiixdeen shirkadaha warbaahinta qaarkood oo ay ka mid yihiin Fox Media, Buzz TV, ITTN, Jump Nine Media, iyo shirkado kale oo waxsoosaarka muuqaal baahinta ka shaqeeya, ha noqdaan kuwo wax duuba ama kuwo kale oo si toos ah u baahiya.

Goobjoog News,