U bood dhigaalka

Facebook Oo Lagu Soo Oogay Dacwo

Facebook ayaa lagu ganaaxay lacag dhan $19 bilyan kadib marki ay sameeyeen marrin habaabin inti lagu guda jiray la wareegistoodii whatsApp.

European commission ayaa sheegay falka ay ku dhaqaaqday facebook dhawaan ee ahaa in xogta whatsApp ay ku xirtay social network inu jabiyay balanqaadkii ay sameeyeen marki la ansixinayey heshiiskii 2014.

Dacwadan lagu so eedeyay ayaa ugu yaraan waxay ku hogamin karta facebook inay bixiyaan ganaax dhan 1% guud ahaan dakhliga facebook ee dunida oo u dhiganta $180 milyan.

“Shirkadaha waxaa waajib ku ah inay guddiga siiyaaan macluumad sax ah inta lagu guda jiro hawsha isku biirida ah. Wana in ay u qaataan waajibaadkoda si sax ah ayuu yiri”, ayuu yiri ms Vestager. Gudiga ayaa tilmaamay in facebook ay bixisay information an sax ahayn inti lagu guda jiray baaritaanka ay kula wareegayeen whatsup.

Shirkada ayaa badashay xeerarkii u gaarka ahaa whatsApp bishi August, iyago ogolaaday xogta ay ka mid tahay telephone numberada iyo macluumaadka kale ee kugu jira gudaha device ka in la wadaagi karo. Macluumadka ay loo adeedsan kara in lagu soo jiito saaxiibo ama lagu beegsado xayaysiis.

Qaar ka mid ah dadka isticmaala ayaa sheegay in facebook ay jabisay balanki ahaa in ay ixtiraamto  macluumaadka qaaska ah ee isticmaalayaasha whatsup. Facebook ayaa bishii la soo dhaafay sheegtay in ay joojin doonto ururinta xogta qaar ka mid ah dadka isticmaala WhatsApp ee UK iyo guu ahaan Europe.

Goobjoog News