U bood dhigaalka

Facebook oo Malaayiin Dhalinyaro ah Ay Ka Guurayaan Sanadka 2018

Daraasad cusub oo la sameeyay ayaa sheegaysa in barta bulshadu ee “Facebook” sanadka 2018 ay lumin doonto malaayiin da’yar ah oo barta ku xiran, waxayna uga guurayaan baro kale oo ay u arkaan iney kasoo jiidasho badan yihiin.

Daraasaddan oo uu soo saaray wargeyska “Emarketer”, ayaa sheegaysa in la filayo in “Facebook” waayo dhalinyarada adeegsada barta ee ku dhaqan UK, inta da’doodu u dhaxayso 12 ilaa 17 sano inta lagu guda jiro 2018, halka dadka ugu badan ee gudaha UK ka isticmaalaa ay noqon doonaan dadka da’doodu ay 50 jirka ka weyn tahay, waana sida uu arrintaa ku waafaqsan yahay wargeyska “The Telegraph”, Febraayo 12, 2018.

Daraasaddan ayaa hoosta ka xariiqday in sababta ay dhalinyaradu barta uga guuryaan ay ugu badan tahay iney noqotay meel aan soo jiidasho badneyn marka loo barbardhigo xilliyadii hore, waxaa sidoo kale mushkiladda qeyb ka ah, waalidkii oo barta kusoo badanaya iyo weliba ayeeyooyinkii oo iyaguna barta si isasoo taraysa ugu soo biiraya.

Waxaa la filayaa in sanadkan 2018 barta “Facebook” ay ku biiraan 500 oo kun oo ah dadka da’doodu ka badan tahay 55 jirka.

Da’yartan ayaa si isasoo taraysa u isticmaalaya baraha bulshada ee ”Instagram” iyo “Snapchat” oo ay xilligan Facebook ka doorbidayaan.

Facebook ayaa dadku weli si xoog badan ugu xiran yihiin, dalka Mareykanka ayaa waxaa ka isticmaala 165 milyan oo qof, halka UK dadka ka adeegsaa ay gaarayaan 32.6 milyan oo qof oo u dhiganta kala bar dadka dalkaas ku dhaqan.

Goobjoog News