U bood dhigaalka

Facebook oo Soo Kordhiyay Adeeg Cusub oo Aad Iskaga Xadayn Karto Saaxiibada Buuqa Badan

Shirkadda “Facebook” ayaa maanta oo Sabti ah soo kordhisay adeeg cusub oo wata magaca “snooze” oo qofku marka uu doono uu qof kale oo saaxiibkii ah muddo 30 cisho ah iskaga xayiri karo qoraalladiisa iyo waxyaabaha uu bartiisa soo dhigo.

Website-ka “TechCrunch” ee teknoolajiyadda ayaa sheegaya in adeeggan cusub uu qofku iskaga xayiri karo waxyaabaha uu soo qor saaxiibkii ee aan u cuntamin, iyadoo gabi ahaanba muddo 30 cisho ah aanuu arkayn posts-kiisa iyo waxyaabaha uu soo qoro.

Website-ka ayaa intaa sii raaciyay in adeeggan cusub ee “snooze” uu u dhexeeyo Unfollow iyo unfrend oo midna aad qofka saaxiibtinimadiisa iskaga xayireyso, halka mid ka kalena aad qoraalladiisa iskaga joojineyso gabi ahaan.

Danta ay adeeggan cusub shirkaddu ka leedahay ayaa ah in qofku iska xayiri karo qoraallada saaxiibkii muddo kooban. Waxaana hadda adeeggan si kooban u isticamaali kara dad gaar ah oo ku dhaqan Mareykanka, waxaase wakhti dhaw loosii dayn doonaa dhamaan macaamiisha adduunka shabakadda ee adduunka oo dhan.

Goobjoog News