U bood dhigaalka

Facebook oo Soo Kordhiyay Adeeg Cusub oo Kor u Qaadaya Falgalka Bulshada

Shirkadda Facebook ayaa si tijaabo ah u soo kordhisay adeeg cusub oo u ogolaanaya dadka muuqaallada baahiya kuwii ay horey u duubeen sidii mid toos ah oo kale in si Live ah loogu daawan karo.

Sida uu qoray Website-ka “cnet” ee dalka Mareykanka ka soo baxa, adeeggan cusub ayaa lagu magacaabaa “Premieres“, dadka isticmaala waxa uu u ogolaanayaa in muuqaalladooda u baahiyaan sidii inuu hadda Live yahay oo kale, iyadoo dhammaan astaamaha adeegga Live-ka ah laga helo  u dhameystiran yahay.

Fidij Simo oo ah madaxa qaybta muuqaallada ee shirkadda “Facebook” oo barteeda qoraal soo galisay ayaa waxay tiri, adeeggan cusub waxa uu suuraggal ka dhigayaa in muuqaallada, aflaamta, bandhigyada iyo muuqaallada horey loo duubay sidii Live ah oo kale loo daawado.

Adeeggan cusub ayaa doorashooyin kala duwan ku siinaya habka aadu  dooneyso inaad muuqaalka u soo bandhigto, dadka muuqaallada sameeyaa waxay ka helayaan fursado farabadan oo ay kula falgalayaan bulshadooda ku xiran.

Waxaa xusid mudan in “Facebook”, Labadii sano ee lasoo dhaafay uu hortabin Koowaad siiyay muuqaallada, gaar ahaan kuwa Live-ka ah.

Simo waxay tiri”Facebook waxa uu tijaabinayaa adeeg cusub oo loo safax dad kooban oo muuqaallada sameeya, xilli dhowna dadka oo dhan ayaa loo furayaa oo heli kara”.

Goobjoog News