U bood dhigaalka

Facebook  oo Soo Saartay Nuqul Gaar ah oo Adeegga Messenger-ka ah Caruurtana Loogu talogalay

Shirkadda Facebook ayaa Isniintii shalay dalka Mareykanka ka bilowday adeeg cusub oo loogu talogalay iney caruurtu ku sheekeystaan oo ah “Messenger”, waana sida ay sheegayso  shabakadda Facebook.

Messenger Kids waa adeeg cusub oo caruurtu ay ehelladooda kula hadli karaan maqal iyo muuqaal labadaba, dadka ay waalidku ku kalsoon yihiin, waana barnaamij aan xayaysiimo lahayn isla markaana si weyn looga faafreebay waxwalba oo dhaqan xumo ama si taban u saameyn kara garaadka caruurta.

Shirkadda Facebook oo laga maamulo California galbeedka Mareykanka ayaa tiri, ” Waxaan dooneynaa inaan hubinno in adeegsiga caruurta ee tiknoolajiyaddu noqodo mid faa’ido leh, aamin ah, da’dooda la jaanqaadi karta.”

Messenger Kids ayaa waxaa hadda heli kara oo kaliya dadka adeegsada apps-ka shirkadda Applegudaha dalka Mareykanka ku nool, sida ay shirkaddu sheegtayna dhawaan ayaa suuqyada kale ee dunida la gaarsiin doonaa adeeggan cusub ee caruurta loogu talogalay.