U bood dhigaalka

Fact Check: Golaha Ammaanka Ma Gelin Soomaaliya Chapter 7, Ee Waa Uga Digay In Heerkaas La Gaaro

Sheeko:Dalka

Golaha ammaanka ee qaramada midoobey ayaa todobaadkan qoraal ka soo saaray xaaladda Soomaaliya ee dhanka siyaasad, amni iyo xataa waqtiga ciidamada AMISOM, waxaa sidoo kale jirtay in ay ka digeen xaalado khatar ku noqon kara nabadda iyo amniga, dibna u celin kara Soomaaliya.

Golaha ammaanka meelna kuma sheegin in Soomaaliya ay iminka ku jiro xaalad khatar ah, oo keeni karta in la adeegsado Chapter 7(VII), laakin waxaa uu leeyahay haddii sida wax loo qosrheeyey lagu guul-dareysto waxaa ay xaaladda nabad-galyo iyo midda amni isku badali karaan mid khatar ah, oo keeni karta inuu golaha ammaanka adeegsado Chapter 7(VII) Qodobkiisa ama article 39.

“Chapter VII article 39, golaha ammaanka waxaa uu u xadidayaa jiritaanka xaalad khatar amni, oo meel looga dhacay nabadda ama fal gar-darro, markaas ayuu xadidayaa cabirka go’aannada la qaadanayo sida ku qoran qodobbada 41 iyo 42, oo ah ilaalinta iyo soo-celinta nabadda iyo amniga caalamiga ah” sidaasi waxaa yiri golaha ammaanka.

Haddaba, iyada oo laga duulayo cutubkan aan soo sheegtay, Qaramada midoobey waxaa ay soo-jeedineysaa:

(1). Waxaa ay ugu yeereysaa dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iney dedejiyaan horumarka ku aadan xal siyaasadeed oo waara, oo ay ku jiraan: Heshiiska awoodda iyo dib u eegista dastuurka KMG ah.

(2) Sameynta hey’ado dowli ah oo howlshoodu tahay kor-joogteynta.

(3)  Kala saaridda mas’uuliyadaha iyo kaalinta ciidamada amniga, waxaa uuna golaha ugu yeeray dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah iney qorsheeyaan amniga doorashada iyaga oo la kaashanaya  AMISOM, UNSOS, iyo UNSOM, si ay dhacdo doorasho loo dhan yahay, oo nabad iyo xor iyo xalaal ah, oo qof iyo codkii ah  2020/2021

Golaha ammaanka sida uu sheegay waxaa uu rajo ka qabaa in dowladda federaalka ah iyo dowladaha xubnaha ka ah ay ka wada shaqeeyaan hirgelinta 3-daas qodob si looga fogaado in Soomaaliya ay gasho xaalad khatar, keeni kartana in golaha adeegsado ama u baahdo Chapter 7(VII) Qodobkiisa ama article 39.

Goobjoog News