U bood dhigaalka

Fadeexadda SOMA Oil, Waa Fari Kama Qodna !

Sheeko:Qormooyin

Todobaadkan waxaa soo ifbaxay fadeexad weyn oo hareysey shirkadda shidaal baarista SOMA Oil and Gas ee hawlaha shidaal baarista ka wadda Soomaaliya, waxayna tani ka dambeysey kadib markii xafiiska baarista dambiyada daran ee wax isdabamarinta ee UK uu shaaciyey in uu shirkadda ku furey dacwad musuqmaasuq ah.

Waxa ay dacwadda la xiriirtaa lacago laaluush ah oo ay shirkadda ku bixisey in ay hesho qandaraaska shidaal baarista ee ay la saxiixatay dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale in ay hesho qandaraas dheeraad ah oo ah in loo saxiixo shidaal soo saaris, baarista kadib.

Dacwadda UK ayaa timid kadib warbixin 28 bog ka kooban oo ay diyaariyeen kooxda dabagalka cunaqabataynta hubka ee Soomaaliya ee Qaramada Midoobey, taasi oo shirkadda ku heshey caddeymo la xiriira in xiriir musuq ah uu kala dhaxeeyo wasaaradda batroolka iyo macdanta Soomaaliya.

Warbixinta waxa ay soo taxaysaa illaa 14 mas’uul oo ka tirsan wasaaradda batroolka, lagana yaabo in ay xitaa ku jiraan rag wasiiro ka noqdey wasaaradda , kuwaasi oo lacago badan oo laaluush ah ka qaatay shirkadda si loogu fududeeyo hawsheeda. Qof ka mid ah dadkani waxaa la siiyey $36,000 lacag ah, halka qof ajnabi ah oo u dhaxeeyey shirkadda iyo wasaaradda oo lagu magacaabo Jay Parker uu markaliya qaatay $600,000 (lix boqol kun oo doolar) oo baarayaasha ay ogaadeen in lacagtaasi ay wasaaradda qaadatay.

Ninkani oo u dhashay dalka Canada oo ah nin garyaqaan ah ma ahan nin ku cusub fadeexadaha musuqmaasuqa ee Qaramada Midoobey Soomaaliya ka sheegto, horey fadeexado kale oo lacago lagu lunsaday ayaa sidan oo kale magaciisa ugu soo baxay warbixinta Qaramada Midoobey.

Markii shirkadani qandaraaska loo saxiixayay sanadkii 2013-kii, cid kasta oo miyir qabta waa iska ogeyn in ay wax uun ka qaldanyihiin in shirkad bil ka hor la sameeyey oo la siiyey qandaraas sidaasi u weyn, taasoo kaaga daran magaceeda xitaa lagu dul alifey miiskii gorgortanka, SOMA oo laga soo gaabiyey Soomaaliya. Ma jirto meel ay adduunka ka jirto in shirkad aanan lahayn tixraac shaqo iyo waayo-aragnimo iyo hawl ay qabatay oo misane qandaraas sidan u weyn loo saxiixayo.

Ingiriiska Maxaa Oga Gidhiish ah Soomaaliya ?

Markii ay soo ifbaxday dacwadda Ingiriiska u heysto SOMA Oil and Gas, islamarkaasina ay dowladda Soomaaliya beenisey in wax musuqmaasuq ah uu dhacay, waxa ay dad badan isweeydiiyeen “Waa maxay waxa Ingiriiska Ka Damqaday, ee dowladda Soomaaliya diirin waayay?”.

Inkasta oo waddamada reer galbeedka aysan ogoleyn in shirkadaha waddamadooda ka diiwaangashan ay ku kacaan falal musuqmaasuq ah, haddana markii warbixino hore oo Qaramada Midoobey soo saartay lagu eedeeyey shirkadda abukaatayaasha ee Maraykanka laga leeyahay ee Rogers Shulman iyo waliba shirkadda kale Ingiriiska laga leeyahay ee Fish Guard ee loo saxiixay qandaraaska kalluumeysiga Soomaaliya, ma jirin wax talaabo ah oo illaa iyo hadda laga qaaday, sidaasi darteed waxaa la’isweeydiin karaa sababta soo dadajisey dacwadda Ingiriiska u heysto SOMA iyada oo xitaa Golaha Ammaanka uusan war kasoo saarin warbixinta kooxda kormeerka cunaqabataynta.

Dadka qaarkood waxa ay farta ku fiiqayaan ninka milyan dheerka ah ee u dhashay dalka Ruushka ee isagu maalgaliyey shirkadda SOMA Oil , magaciisu waa Alexander Dzhaparidze , waxaana laga yaabaa in Ingiriiska doonayaan in ay xididada ugu siibaan shirkad Ruushka laga leeyahay oo qaadatay fursadihii shirkadaha Ingiriiska ee Shidaal qodista. Xiriirka Ruushka iyo Reer Galbeedka waa mid aad u xun.

Kaliya ma ahayn shidaal baaris, SOMA Oil waxaa loo saxiixay in ay shidaal ka qodan karto 12 ceel oo shidaal ah oo ka mid ah kuwa ugu nacfiga badan sida ay ku ogaatay shirkadda baaritaanka ay samaysay, waxaana xitaa la yaab leh in lacagaha ay laaluush ahaanta u bixisey ay kula heshiisey wasaaradda in ay ka jaran doonto marka ay shidaalka soo saarto.

Haddii aad isleedahay malaha waxaad ogaatay ama maqashay xog kugu filan oo ku saabsan dhibaatada dhacday, wali waxbaa kuu yara dhimane bal sug, sidaan aniga is leeyahay dhibaatada ugu daran ee dhacday waxa ay tahay in macluumaadkii ay 2-da sano soo uruurisey shirkadda SOMA oil and Gas ee qaranka Soomaaliyeed lahaa in wali aysan ku jirin gacanta wasaaradda batroolka iyo waliba dowladda Soomaaliya.

Macluumaadkaasi waa natiijada kaliya ee laga filayay in uu dhalo qandaraaska, markii la weeydiiyey wasiirka batroolka iyo macdanta Maxamed Mukhtaar Ibraahim sababta wali xogta u maqantahay oo ay shirkadda u heysato ayuu yiri “Anaga ma lihin awood aan ku keydsano xogta lasoo uruuriyey, balse waxaa na lagu soo wareejin doonaa 15-ka bisha Agoosto”.

Dadka qaarkood waxay cabsi ka qabaan in haddii dambiga lagu helo shirkadda SOMA Oil ay taasi dowladda Ingiriiska xaq u siin doonto in ay la wareegto xogta amaba inta uu heshiisko burburo in ay shirkadda iska wada qaadan doonto xogta, sidaasina Soomaaliya ku weyn doonto hanti qaali ah oo xitaa quseysa amniga qaranka.

SOMA waxa ay boggeeda ku sheegtey in hawlaha shidaal baarista uga baxday $40 milyan oo doolar, su’aasha waxay tahay meeqa intaasi ka mid ah oo laaluush lagu bixiyey?, Faanoole, fari kama qodna.

W/D : Cabdinaasir Axmed Sh. Bashiir (Saxansoxo)

Goobjoog News