U bood dhigaalka

Fadliga Iyo Faa’idooyinka Bisha Ramadaan

Sheeko:Dalka

Bisha Soon waxa ay leedahay Fadli aad iyo aad u weyn, waana fursad sanadkii hal mar soo marta dadka Muslimiinta ah, Diinteenna Islaamka ah, Bisha Soon aad iyo aad ayay u karaameysay waxayna diinta ay geesay Bishaan boos aad uweyn.

Bisha Soon waa bil lagu tarabiyeeyo Nafasadda loogana Daahiriyo waxyaabaha xun xun sidoo kale waa bil Dulqaad maxaa yeelay,  qofka inta uu soomanyahay waxa uu dareemayaa Oon iyo Gaajo sidaas darteed,  oonka waxa uu qofka uu barayaa Dulqaadka oo wixii nafsaddiisa oo jecleyd oo dhan ayuu  ka tagayaa isagoo aaminsan inuu ilaahey dartiis u soomanyahay ajarna xisaabsanayo, sidoo kale gaajada waxay qofka ay bareysaa inuu qalbigiisa qashuuco oo wax yaabihii shahawaadka ahaa uu iskaga tago.

Waxaa Maxay Soon

Soonka Luqada waxaa lagu dhahaa: Af heysasho oo micnaheedu tahay in laga tago xanta, cunista, iyo cabista intaas ayaa waxaa lagu magacaabaa dhanka luqadda Soon.

Waxaa Maxay Soon dhanka Sharciga

Soonka waxaa la dhahaa dhanka Sharciga: in la is kaga haro waxyaabaha wax afuriya sida cunista, cabista, galmada, beenta, ceyda, isku dirnimada laga bilaabo salaadda subax ilaa iyo inta qoraxda ay ka dhaceyso waa in laga haro wax yaabahaan.

Soonka waa cibaado waxa uuna yahay tiirka Afaraad ee tiiraraka islaamka waxa uu Alle ku waajibiyay dadka Muslimiinta ah, waxaana la waajibiyay Soonka sanadkii labaad ee Hijriyada.

Waa Maxay Tiirarka uu Ku Taaganyahay Soonka:

Soonka waxa uu ku taaganyahay saddex tiir oo waaweyn mid ka midana haddii la waayo soonka ma ansaxayo waxayna yihiin tiirarkaan:

  1. In laga haro oo laga fogaado wax walba oo soonka jabiya .
  2. In la niyesto Soonka, maxaa yeelay Niyo la’aan Soonka ma ansaxayo.
  3. In la helo qofkii Soomi lahaa, Soonka bani’aadamka ayaa lagu waa jib yeelay haddii la waayo bani’aadam Soonkana ma waa jibayo.

Waa Maxay Sharuudaha uu Soonka Ku Ansaxayo:

Soonka waxa uu leeyahay Sharuudo haddii la waayo sharuudahaan mid ka mida ma ansaxayo Soonka waxayna yihiin  Sharuudahaan:

  1. Marka hore waa inuu qofka Muslim yahay, maxaa yeelay qof gaal ah Soon maka ansaxayo.
  2. Waa inuu yahay qofka Qaan-gaar, uuna awoodo inuu soomo maxaa yeelay qof saqiir ah oo aan qaan-gaar ahayn Soon maka ansaxayo.
  3. Waa inuu yahay qofka qof Caqli leh, maxaa yeelay qof waalan oo aan caqligiisa aan dhameystirneyn Soon maka ansaxayo.
  4. Waa inuusan ahayn qofka musaafir, maxaa yeelay qofka musaafirka ah waxaa loo baneeyay inuu afuro markalana uu soo gudo.
  5. Waa inay gabdha ay daahir ka tahay dhiigga caadada iyo midka dhalmada, maxaa yeelay haddii gabdha ay qabto dhiig Soon maka ansaxayo.

Maxaa Buriya Soonka:

Soonka waxaa buriya waxyaabo badan oo hadda aan meeshaan lagu soo kobi karin, waxaana ka mida waxyaabaha ugu waaweyn ee Soonka buriya arrimahaan soo socda:

1 . in qofka uu is duro, ama daawo uu ka qaato sanka ama afka.

  1. Galmada iyo qarowga.
  2. Matag kas la iskaga keeno.
  3. Sandaarsiga oo lagu dheeraado iyo sigaar cabista.

5.in si kas ah wax loo cabo loona cuno.

  1. inuu yimaad dhiigga dhalmada ama midka xeydka.
  2. in dhiig qof kale loo shubo.
  3. in qofka uu is ka dhaqo killiyaha.
  4. inuu waasho qofka.
  5. qofka inuu diinta uu ka baxo.
  6. inuu miyir daboolmo qofka.

Waa Maxay Fadliga uu leeyahay Soonka:

Soonka waxa uu leeyahay fadli aad iyo aad uweyn fadligaasi oo uu helayo qofkii Sooma waxaana ka mida fadliga uu leeyahay Soonka:

1 . qofkii Sooma bisha Ramadaan isagoo rumeysan ajarna xisaabsanayo qofkaasi waa loo dhaafay dambigiisii hore.

2 . qofka sooman ducadiisa lama soo celiyo.

3 . Soonka iyo qur’aanka Aakhiro way u shafeeco qaadaan qofka.

4 . Soonka waxa uu caafimaad u yahay Jirka.

5 . Soonka waxaa lagu dhaafaa dambiyada .

6 . Soonka qofka waxa uu siiyaa awood.

7 . Soonka waa gaashaan uu qofka uga gaashaanto Naarta.

8 . Soonka waa kafaaro gud, waxaa laguugu dhaafaa dhaaraha aad dhaarato.

Waa Maxay Faa’idooyinka Caafimaad oo ay leedahay Bisha Ramadaan

Faa’idooyinka Caafimaad uu soonka leeyahay waxaa ka mida:

1 . Soonka waxa uu ka hortagaa cudurrada Kansarka.

  1. Soonka waxa uu kor dhiyaa awoodda jirka bani’aadamka.

3 . Soonka waxa uu ilaaliyaa Maqaarka jirka, waxa uuna ka hortagaa cudurrada ku dhaco Maqaarka.

4 . Soonka waxa uu yareeyaa cudurrada Xasaasiyadda iyo kuwa ku dhaco saableyda.

5 . Soonka waxa uu ka hortagaa cudurka macaanka/ sokorta.

6 . Soonka waxa uu daawo u yahay cudurrada ku dhaco lafaha iyo sidoo kale xanuunada kala gowsyada.

7 . Soonka waxa uu yareeyaa dufanta tirada badan oo ku jirta jirka qofka taasi oo dhibaysa caafimaadka jirka.

Waa Maxay Astaamaha Ay Leedahay Bisha Ramadaan

Bisha Ramadaan waxa ay leedahay Astaamo badan oo lagu yaqaano waxaana ka mida Astaamahaas.

Bisha Ramadaan: waxaa la soo dajiyay Qur’aanka Kariimka.

Bisha Ramadaan: waxaa la furaa Al-baabada Janada iyo Cirka.

Bisha Ramadaan: waxaa la furaa Al-baabada Naxariista.

Bisha Ramadaan: waxaa la xiraa Al-baabada Naarta.

Bisha Ramadaan: waxaa la xirxiraa Shayaadiinta .

Bisha Ramadaan: Dad ayuu Alle Naarta ka xoriyaa habeen walba.

Bisha Ramadaan:  waxaa ku jira habeen ka qeyr badan kun bil.

W/Q: Jaamac Cali Shidane,