U bood dhigaalka

Falanqeyn Ku Saabsan Doorashada 2020

Sheeko:Dalka

Sid ay ogaatay Goobjoog News bishii March 2018, Soomaaliya sanadka 2020-ka waxaa lagu heshiiyay in ay ka dhacdo nidaam-ka doorasho ee PR ama “proportional representation”.

Waxaa sidoo kale  horraantii bishii lasoo dhaafay arrintaasi ka marag kacay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka madaxbanaan ee Soomaaliya Xaliima Ismaaciil Yareey.

Nidaam-kan doorasho waa nidaam xisbi ah, waa nidaam qof iyo cod ah, waxaa lagu doortay golaha baarlamaannada in ka badan 90 dal oo caalamka ah, waxaa lagu maamulaa dalal badan sida Ciraaq, Turkiga, Jarmalka, Spain, Lebnon, Brazil, Argentina, Angola, Algeria, Mozambique, Namibia iyo South Afrika ayaa isticmaalo.

Heshiiska doorasho 2020-ka ee ka dhacay magaalada Baydhabo kaddib shirweyne ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa shanta dowlad goboleed oo uu wehliyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu go’aamiyay in dalka ay ka qabsoomayso doorasho iyo cod iyo qof ah.

Waxaana dadku ay doorayaan oo kaliya xildhibaannada ee madaxweynaha ma dooran doonaan.

Waxaa iyana dadku ay u codeynayaan xisbiyada kaddibna asxaabta ayaa kuraasta ay hesho intaas kaddib xubnaha ay la doonayso u qeybineysa.

Su’aasha ayaa ah arrintaas maku heshiin kartaa Soomaalida?, waxaa kaloo isweydiin mudan habkii qabiilka ee 4.5 miyaa looga baxayaa?, oo maxaa diidaya in ninka xisbiga maamula uu ina adeerradii u qeybiyo kuraasta?, golaha shacabka ee xisbi ahaan uu ku guuleystay amaba carruurtiisa uu feel u soo geliyo, soo su’aal kale imaanmayso oo oran kartaa habka qabiilka ee Soomaalidu wax ku qeybsanaysay burburkii 1991-kii kaddib miyaa laga gudbay mise waa uu kii oo la sii boqray.

Hadaba  waxaan wareysannay xoghayihii hore ee guddiga doorashada madaxabannaan DR Daahir Mire Jabriil oo xilal kala duwan dalka ka soo qabtay.

Isagoo ku sugan Minnesota dalka Maraykanka ayuu Goobjoog la hadlay, wuxuuna ka jawaabay dhammaan su’aalahan.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News