U bood dhigaalka

Falastiin Oo Ka Digeysa In Qudus Loo Aqoonsado Caasimadda Isra’il

Sheeko:Dalka

Madaxda Falastiin ayaa waxaa ay ka digayaan saameyn kasta oo burburin karta xaquuqda ay falastiin u leedahay in Qudus ay tahay magaalo madaxdooda, arrinkaani ayaa yimid ka dib markii madaxweyne Trump uu sheegay inuu Qudus uu u aqoonsan dooono caasimadda Israa’iil.

Nabiil Abuu Radiinah oo ah afhayeenka madaxtooyada Falastiin ayaa u sheegay AFP in haddii Mareykanka uu u aqoonsado Qudus maalo madaxda Israa’iil ay burburi doonto geeda socodka nabadda iyo dhexdhexaadinta laga dhexwaday Falastiin iyo israa’iil.

Nabiil oo sii hadlayey ayaa waxaa uu tilmaamay I haddii qudus loo raro safaaradda mareykanka ee ku taalo Tel Aviv, in aysan degi doonin daanta galbeed.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa waxaa la sheegay in Arbacada soo socota uu u aqoonsan doono caasimadda Israa’iil magaalada Qudus.

Markii uu ku jiray ololaha doorashada ayaa waxaa uu ballan qaaday Trump in hadii uu madaxweyne noqdo uu safaaradda mareykanka uu u rari doono magaalada Qudus oo ah caasimadda falastiin.

Golaha aqalka Congress ayaa sanadkii 1995 waxay soo saareen go’aan ah in safaaradda Mareykanka ee ku taallo Tel Aviv loo wareejin doono Qudus.

Goobjoog News