U bood dhigaalka

Falastiin oo Loo Ogolaaday in Korjooge ka Noqoto Shirarka Qaramada Midoobey iyo Cabaas oo Ka Baxay Heshiisyadii Isra’il.

Sheeko:Dalka

Dowladda aan aqoonsiga heysan ee Falastiin ayaa loo ogolaaday in Korjooge ka noqoto shirarka Qaramada Midoobey.

Calanka Falastiin ayaa markii ugu horeysay  laga taagay dhismaha Qaramada Midoobey, meel ku dhaw calamada Wadamada xorta ah ee ku jira Qaramada Midoobey,  Calanka  Falastiin ayaa laga garab taagay midka Vatican-ka oo iyagana loo ogolaaday in ay Korjooge noqdaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Falastiin oo Khudbad taariikhi ah ka jeediyay Qaramada Midoobey ayaa sheegay dhankooda aanay fulin doonin heshiisyadii ay la galeen Isra’il kadib markii ay Israa’il jabisay dhamaan heshiisyadaas.

Cabaas waxaa uu sheegay in isra’il maanta laga bilaabo ay tahay Wadan Gumeyste ah, Falastiina dal la heysto.

Waa markii ugu horeysay ee Falastiin boos ku yeelato Qaramada Midoobey 70 sano kadib, Falastiin waxaa soo dul dagay Yuhuudda oo laga soo masaafuriyay Yurub sanadkii 1948-dii ilaa iyo hadda Isra’il waxaa ay waddaa dhac iyo Boob.