U bood dhigaalka

Falcelin:- Mas’uuliyiin,Shakhsiyaad U Dooda Xuquuqda Aadanaha Iyo Weriyeyaal Ayaa Difaacay Kiiska Gurbiye

Sheeko:Amniga

Tan iyo markii talaadadii 14-July 2020 markii labaad ay u yeertay maxkamadda gobolka Banaadir tifaftiraha Goobjoog Cabdicasis Gurbiye waxaa kor u qeylinayey mas’uuliyiin, shakhsiyaad u dooda xuquuqda aadanaha iyo weriyeyaal difaacaya xuriyadda hadalka.

Wasiirkii Qorsheynta ee Jubbaland ayaa sida caadada ah waxaa uu mar kale difaacay weriye Cabdicasis Gurbiye isaga oo sheegay in kiiska weriyaha uu qarka u saaran yahay mid been ah oo wax lagu sifeeyo la ogeyn. Shacabka waxaa iney ka xor ka ahaadaan in lagu maxkamadeyn eedeymo aan loom eel dayin” ayuu intaa raaciyey.

Guddoomiyihii hore ee bangiga dhexe Maxamuud Culusow ayaa ka hadlay dacwada sharci darrada ah ee lagu heysto weriye Cabdicasis Gurbiye isaga oo sheegay in qodobada loo hesyo weriyaha ay ka soo horjeedaan dastuurka, xeerarka caalamiga iyo kuwa xuquuqul insaanka, waxaa uuna la yaabey hadalka ah looma heysto weriyennimo uuna ka soo horjeedo qodobka 23-aad ee dastuurka ee xuriyadda xirfadaha iyo xataa qodobadka 18aad ee xuriyadda ra’yiga isaga la laabay in laga booday xeerka saxaafadda, ugana duway hey’adaha caburinta iyo xuuryaaminta saxaafadda.

Cabdalla Muumin xogheyaha guud ee SJS ayaa bartiisa Twiterka ku qoray in saxafinnimada aaney dambi aheyn isaga oo soo jeediyey in Gurbiye ayaa lagu maxkamadeyn shaqadiisa.

Maxamed Ibraahim Macalimu xogheyaha guud ee FESOJ oo isna bartiisa Twetterka uga hadlayey maxkamadeynta ku socota Cabdicasis Gurbiye waxaa uu sheegay inuu rajeynayo inuu cadaalad helo.

Maxamed Cabdiwahab oo ah agaasimaha raadiyaha Risaala ayaa bartiisa Twitterka soo dhigay in haddiiba maxkamadda ay xeer ilaalinta weydiineyso xilliga cidda dhibanaha u ah kiiska Gurbiye ay taasi ka dhigan tahay in kiiskaba uu raad laheyn.

Abuukar Al-badri ayaa wax lagu qoslo, lana aqbali karin ku sheegay in maxkamadda diido ishor istaagga qareennada Gurbiye ee ka dhanka ahaa Kiiska xilli ii garsooraha leeyahay “Dhibbane laguma sheegen kiiska”.

Axmed Haadi ayaa bartiisa Twetterka soo dhigay in xuriyadda hadalka ay laga maarmaan u tahay umad ilbax ah. Cabdicasis Gurbiyana uu xaq u leeyahay u wato shaqadiisa saxafinnimo.

Cabdi casis Barow ayaa maxkamadeynta samigiisa Gurbiye ku sheegay mid ay xukuumadda Soomaaliya ku dooneyso iney ku aamusiso saxafiyiinta, siina adkeyneyo xuriyadda hadalka.

Dhinaca kale, weriyeyaal caan ah ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in ra’isul wasaare Xasan Kheyre uu la kulmo saxafiyiinta iyada oo qaar kale la maxkamadeynayo

Weriye Haaruun Macruuf ayaa waxaa uu arrinkaas ka yiri “Hal dhinac, xukuumadda Soomaaliya waxaa ay la kulmeysaa saxafiyiinta, una sheegeysaa iney taageereyso shaqadooda halka qeybta kale ee magalada lagu maxkamadeynayo saxafi xilliga aan hadleyno”.

Weriye CabdicasisBilow ayaa ra’isul wasaaraha Soomaaliya Tweet ugu sheegay  inta uu hoggaanka hayey ay saxaafadda sii xumaatay isaga oo u soo jeediyey inuu la yimaado niyad fiican, uuna laalo eedaha loo heysto Gurbiye iyo Abuuja.

Weriye M.M Dhoore ayaa isna wax lala yaabo ku tilmaamay in saxafiyiin ay la kulmaan Farmaajo iyo Kheyre  oo ka dambeeya dhaqanka xun ee ka dhanka Gurbiye.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saasban Shaqsiyaadkii Caankaa Ahaa Ee Ka Hadlay Kiiska Gurbiye

Goobjoog News