U bood dhigaalka

Falcelinta Laga Sameeyey Qoraalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda Ee Ay Ku Diiday Ergeyga Qaramada Midoobey

Sheeko:Dalka

Weli waxaa isa soo taraya falcelinta laga bixiyey go’aankii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ee ay dalka uga saareen ergeyga xogheyaha guud ee qaramada midoobey Nicholas Haysom, Somaliland kadib waxaa ay iyagana qoraal soo saaray golaha Isbadal-doonka koonfur galbeed.

Golaha ayaa ugu horeyn soo dhoweeyey codsigii ergeyga qaramada midoobey uu soo saaray 30/12/2018  kaas oo ku saabsanaa in la baaro gabood-fallo ka dhacay Baydhabo iyo soo-qabashadii Mukhtaar Roobow.

Golaha Isbadal-doonka koonfur galbeed oo qoraalka sii wada waxaa ay sheegeen “Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka UK, Germany iyo EU ay ku baarayaan ku lug lahaanshiyaha booliiska koonfur galbeed qalalaasihii ka dhacay Baydhabo.

Ugu dambeyntii, waxaa ay dowladda federaalka ah ugu baaqeen inay dib u fiiriyaan go’aankeeda iyaga oo codsaday in cadaaladda la hor keeno kuwii ka dambeeyey qalalaasihii ka dhacay Baydhabo

Goobjoog News