U bood dhigaalka

Falcelinta Siyaasiyiinta , Xildhibaanada Barlamaanka iyo Hay ‘adaha Ee Xarigga Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo Ku Xiran Amarka Xafiiska Madaxweynaha.

Sheeko:Amniga

Waxaa maalinkii labaad Magaalada Muqdisho ku xiran tifaftiraha Warbaahinta Goobjoog Cabdicasiis Axmed Gurbiye oo shalay looga yeeray saldhigga Degmada Hodan Isla markana weli u xiran amar ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya.

Xarigga Suxufiga ayaa waxa cambaareyay dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada, Xildhbaanno ka kala tirsan Labada aqal, wasiirro, weriyaal iyo siyaasiyin xilal kala duwan hore uga so qabtay dalka.

Dowladda Soomaaliya weli si toos ah ugama hadlin xarigga weriyaha ka tirsan Goobjoog oo maanta loo sii gudbiyay Xabsiga dhexe, iyadoo aysan dhicin garmaqalka dacwaddiisa.

Maaaamulka Goobjoog Media Group oo kal hore war-saxaafadeed ka soo-saaray xarigga Cabdicasiis Gurbiye ayaa si kulul u cambaareeyay kuna tilmaamay xarigga wariyaha mid baal markan sharciga isla markana oo aan loo soo marin sifo sharci ah.

Sidoo kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamud, oo ka ka hadlay xariggga Suxufiga aya shegay in aan la joogin waqti lo hanjabo lana xiro saxaafadda madaxanaan. “In loo hanjabo oo la xiro saxafiyiinta si loo aamusiyo, ma caawineyso Dimuqraadiyadda dalkeena aan jecelnahay ee Soomaaliya. Xariga weriyaha weyn Mr. Gurbiye, kana tirsan Goobjoog waa calaamad muujineysa dhaqan kelitalisnimo oo socda.” Sidaas waxaa yiri Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale Senator Iliyaas Ali Hasan oo ka tirsan aqalka sare aya codkiisa ku biiray dadaallada lagu dalbanayo in la sii daayo Weriye Gurbiye. Siyaasiyiin hore oo Dalka xilla ka soo qabtay, Weriyaal iyo Hey’adaha caalamiga aya si Wadajir ah u cambaareeyay sababta xorriyadda looga qaaday Weriye Cabdicasiis Gurbiye oo Dowladda Somaliya weli u xiran haddana aan la faah-faahin sababta ka damabysa xariggiisa.

Guddomiyaha Xisibiga Wadanjir. Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsane oo ka hadlay xariggga Weriyaha aya yiri ” Madaxweyne  Farmaajo waxaa lagaa rabnaa in uu Gurbiye iyo Goobjoog isaga difaaco sida uu MW Trump isaga difaacay kanaalka CBS iyo gabadha Paula Reid”

“Hey’adda RSF oo u doodda xorriyatul qowlka ayaa sheegtay in la heli karay qaabab kale oo loola macaamiilo iyada oo an la xiirn, balse Dowladda Somaliya ay ku deg-degtay xariggiisa.

Cabdicasiis Gurbiye oo ah Tifatiraha Goobjoog aya shalay la xiray, Habeenkii 2aad ayu ku xiranyahay Muqdisho, maanta ayaa loo sii gudbiyay Xabisga dhexe iyada oo an la xukumin balse Maxkmadda la geeyay. Jacfar Maxamed.

Goobjoog News