Fallo: Khudbadda Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka jeediyay furitaaanka Kalfadhiga 7 ee BFS 6da Juun 2020

Shalay oo aheyd 6 bisha Juun 2020, Madaxweyne Maxamed Cabdullah Farmajo wuxuu ka jeediyay khudbad buuq iyo sawaxan hareeray furitaanka Kalfadhiga 7 aad ee labada Aqal ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS). Waxgarad badan ee aad ugu welwelsanaa xaaladda murugsan ee ka taagan Soomaaliya waxay aad uga calool xumaaday khudbadda Madaxweyne Farmaajo jeediyay afar sababood:

  1. Inay aad uga fogeed ka tarjumidda xaqiiqada dhabta ah iyo marxaladda cakiran ee dalka marayo taaso keentay inaan waxba la qaban dhibaatooyinka faraha badan ee dalka horey u haystay iyo kuwa ku soo biiray 3 1/2 ee la soo dhaafay.
  2. Inay ka soo horjeeday mas’uuliyadda Madaxweynaha JFS ee ku xusan qodobbada 87 iyo 90 ee dasturka kmg. Madaxweynaha JFS waa Madaxa JFS ee ma ahan Madaxa Xukuumadda, Madaxa Garsoorka, iyo Madaxda BFS, taaso ku saleysan kala xadeynta awoodaha dowladda iyo gooni gooni ula xisaabtankooda. Xilka Madaxweynaha wuxuu yahay jiheynta siyaasadda midnimada, ilaalinta dastuurka iyo xasilloonida guud ee dalka.

Waxaa ilaa maanta lala yaabay oo ka baxsay dhaqanka dowladnimo codsiga Madaxweyne Farmaajo oo ah in BF oggolaado tiro Xildhibaanno Aqalka Sare (Senator) ah ee uu siiyo Gobolka Benadir. Codsigaas waa mid khilaafsan dastuurka, xilka Madaxweynaha, waana dhaqan laga dhaxlay xukuumaddii militeriga aheyd. Waa codsi ka soo horjeeda nidaamka dimoqradiga ah ee dalka laga hirgelinayo. Waxaa kaloo khalad iyo xadgudub ah in Gobolka Benaadir oo aan la laheyn ismaamul  ka madax bannaan dowladda federaalka loo baryo kuraas Aqalka Sare ku matasha. Waa tallaabo lagu jaahwareerinayo maamulka Qaranka.

Khudbadda laguma soo qaadin arrimo badan ee shacabka soomaaliyeed iyo beesha caalamka sugayeen, waxayna daaha ka qaaday aqoondarro la xiriirta dowladnimada iyo abaal ka dhaca beesha caalamka lacag ku dhow 4 bilyan gelisay 3 1/2 sano ee la soo dhaafay. Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku celceliyay inuu ka soo horjeedo talo la wada lahaanshaha beesha caalamka ayadoo Soomaaliya iyo Beesha Caalamka ka dhexeeyo heshiis wada shaqeyn (International mutual Partnership agreement).

Madaxweynaha waxaa laga sugayay inuu shacabka soomaaliyeed siiyo xogwarran daacadnimo iyo xikmad ku dheehan tahay ee arrimaha xasaasiga ee hadal hayntooda la wada og yahay, lagana welwelsan yahay, kaddibna uu bixiyo tilmaamo abuuraya waxqabad, rajo, iyo kalsooni in dareenka shacabka la siinayo tixgelin iyo mudnaan. Nasiib darro ma dhicin, taaso dibedda iyo gudaha ka abuurtay rajo xumo iyo welwel badan.

  1. Inay aheyd farta iyo meesha bugta ayaa iska warqaba. Madaxweyne Farmaajo wuxuu marar badan ku soo celceliyay gumeysi diid, kursi lagu doonayo dhiiga dhallinayarada, musuqmaasuq la dagaalan, iyo qablyad la dagaalan ayadoo 3 1/2 sano ee la soo dhaafay Madaxweynaha lagu eedeynayay ku dhaqanka qabyaalad, musuqmaasuq iyo kala qaybinta bulshada, iyo cabburinta saxaafadda iyo mucaaradka. Waxaa kaloo Madaxweyne Farmaajo lagu eedeyay inuu dhalliyaro masaakin ah u adeegsaday dagaallada sokeeye ee Jubbaland iyo Galmudug iyo cabburinta muwaadiniinta iyo saxaafadda xorta ah ee Gobolka Benadir.
  2. Inay daboolka ka qaaday in Madaxweyne Farmaajo ka go’aan tahay inuu ku fadhiyo kursiga Madaxweynaha kaddib dhammaadka mudda xileedkiisa 4 sano ee ay ka harsan tahay 8 billod ama 246 maalmood.

Khudbadda oo aheyd war qubanaha ah ee isburrinaya waxay caan ku noqotay in dowladda federaalka siisay 65 arday oo agoon ah deeq waxbarasho muddo 4 sano, tiradadaaso Madaxweyne Farmaajo si xamaasad leh ugu celceliyay. Saacado kaddib,  Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Cabdinur Maxamed  ayaa Twitter-kiisa ku sheegay cudurdaran la’aan in tirada aheyd 65,000 arday. Arrinta kale ee khudbadda caan ku noqotay waxay tahay bixinta mushaarka shaqaalaha iyo ciidammada dowladda kuwaaso aan dastuurka iyo sharciga ciidammada iyo shaqaalaha dowladda federaalka waafaqsaneyn. Waxaa mushaar la siinayaa ciidammo gaar ah ee ka baxsan dastuurka iyo heshiiskii Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, iyo Beesha caalamka wada gaareen 2017. Wa dambi qaran in shaqaale iyo ciidammo aan waafaqsaneyn dastuurka iyo sharciga dalka la siiyo mushaar.

Madaxweyne Farmaajo ma xusin in khudbaddiisa aheyd tii ugu dambeysay muddo xileedkiisa ku eg 7 Febraayo 2021 iyo in kalfadhiga 7 yahay kii ugu dambeyay ee BFS 10aad oo waqtigiisa ku eg yahay 26 Disember 2020. Arrintaas waxay ishaareysa xaaladda maskaxeed ee Madaxweyne Farmaajo.

Markii uu Madaxweyne Farmaajo ka hadlayay doorashada 2020/2021, wuxuu muujiyay daacad-darro iyo inuu damiir ahaan dambiile yahay sababtoo ah wuxuu ku dadaalay inuu eedda ku wareejiyo xukuumadda, barlamaanka, iyo guddiga doorashada qaranka. Wuxuu ku celceliyay inuu qaadimiintiisa (adeegayaashiisa) faray, kula dardaarmay, u sheegay inay waajibaadkooda gutaan, haddiise aysan gudan ayaga ayaa ka mas’uul ah oo lagu eedeynaya, asaguna ceeb ka saliim yahay. Madaxweyne Farmaajo maalin kasta wuxuu maqlayaa ama loo sheegaya in dalka ka dhicin doorasho hal qof iyo hal cod iyo in qodobbo badan ee sharciga doorashada laalan yihiin oo sharciyo kale loo baahan yahay. Haseyeeshe ma rabo inuu arrimahaas siiyo mudnaan.

Khudbadda waxay si aan shaki ku jirin daboolka uga qaaday in Madaxweyne Farmaajo akhrin, darsin, aaminsaneyn dastuurka federaalka iyo sharciga doorashada uu saxiixay, wuxuuna shacabka ka indha sarcaadinaya in Soomaaliya lagu dhaqayo  qodobka VII ee Axdiga Qarammada Midoobay madaama Soomaaliya loo aqoonsaday dal khatar u ah nabadda caalamka.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu is ilowsiinaya in Xoghayaha Guud ee QM uu 3 bilood kasta u gudbiyo Golaha Ammaanka xogwarran ku saabsan xaaladda siyaasadda, nabadgelyada, dhaqaalaha, dhismaha dowladda, iyo bani’aadamnimo.  Sidoo kale, sannadkasta, Guddiga QM ee la socoshada xaaladda Soomaaliya wuxuu  u gudbiya Xoghayaha Gudd ee QM iyo Golaha Ammaanka warbixin ku saabsan maamulxumada iyo xadgudubyada ka dhaca Soomaaliya. Intaas waxaa soo raaca warbixinnada Hay’adda Lacagta Adduunka, Bankiga Adduunka, Bankiga Horumarinta Afrika, Guddiga Maamulka Maaliyadda ( Financial Governance Committee) iyo hay’adaha madaxabannaan oo caalamiga ah, warbixinnada la siiyo Aqalka Wakiillada Mareykanka ( US Congress), kuwaaso isku raacsan xaaladda ba’an ee nabadgelyo, dhaqaale, bani’aadamnimo, siyaasad iyo maamul ee Soomaaliya ku sugan tahay iyo gurmadka  loo baahan yahay si loo badbaadiyo geedisocodka nabadda iyo dib u dhiska Soomaaliya. Waxaa joogto noqday baaqyada caalamiga ah ee ah in dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada wada shaqeeyaan oo khilaafaadka 2 sano hareeray xalliyaan, hase yeeshe ma muuqdo dadaal lagu xallinayo khilaafka sii xumaanaya.

Xubnaha Golaha Ammaanka waxay si wadajir ah ugu sheegeen Madaxweyne Farmaajo inuu joojiyo colaadda uu ka hurinayo Jubballand, Puntland, iyo Galmudug. Hase yeeshe ilaa hadda  dheg jalaq uma siin baaqaas.

Waxyabaha Khudbadda aan lagu xusin ama beenta la sheegay waa badan yihiin, waxaana ka mid ah:

  1. Lama sheegin sababaha aan xisaab xirkii 2018 iyo 2019 loo horgeyn barlamaanka iyo sababta Hantidhowraha Guud uusan ugu gudbin BF natiijada baaris sannadeedka maamulka hantida ummadda sannadaha 2017, 2018, iyo 2019.
  2. Lama xusin in 21 ee 23 sharci ee BFS ansixiyay 2017-2020 ay sabab u aheyd dalabka iyo cadaadiska beesha caalamka sida Ururka Midowga Africa, Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bankiga Adduunka, iyo Qarammada Midoobay si loo helo taagerada dhaqaalaha iyo socodsiinta barnaamijka deyn cafinta iyo kabidda Miisaaniyadda, nabadgelyada, iyo diblomasi.
  3. Lama sheegin maaliyadda DF ka heshay deeqbixiyayaasha iyo hay’adaha caalamiga 2019 iyo 2020.
  1. Lama sheegin maaliyadda loo baahan yahay si loo hirgeliyo doorashada halka qofka iyo halka cod 2020/2021 iyo rajada laga qabo in lacagta la helo ka hor waqtiga doorashada. Taas waxay muujineysa marin habaabinta shacabka soomaaliyeed loogu tala galay.
  2. Lama xusin in Soomaaliyaa laga rabo fulinta barnaamij dib u habeyn dhaqaalaha iyo Maamulka Maaliyadda iyo dowlad wanaagga ee soconaya 3 sano si loo cafiyo deynta lagu leeyahay.
  3. Lama sheegin sababaha loo diidan yahay in Warbaahinta madaxabannaan soo tebiso si toos ah wararka dowladda taaso ah asaas u ah ilaalinta xorriyadda saxaafadda

6, Shacabka lagama qancin sababta mar saddexaad dib loogu dhigay dacwadda badda ee u dhexeysa  Soomaaliya iyo Kenya ee Maxkamadda Caalamiga ah.

  1. Lama xusin Xasuuqa ciidammada dowladda u geysteen muwaadiniin Soomaaliyeed ee ka dhacay deegammo kala duwan iyo ciqaabta ay muteysteen dambiilaayasha ka dambeeya xasuuqa iyo xaq siinta dhaxalyooyada dadkii la xasuuqay.
  2. Lama xusin colaadaha ka socota Gobolka Gedo ee Jubbaland.
  3. Lagama hadlin diyaaradii ciidammadas Ethiopia ku soo rideen Bardaale, rakaabkii ku dhintay, iyo middii lagu toogtay Qansaxdheere.
  4. Lama xusin xaaladda bani’aadamnimo ee colaadaha, fatahaadda, iyo abaaraha abuureen iyo dhibaatooyinka ka dhashay ayaxa.
  5. Lagama hadlin jidadka Magaalada Muqdishu ee xiran muddo 3 sano ah, shacabkuna ka qaylinayaan.
  6. Tafaasiil lagama bixin kaalmada Cudurka Covid-19 iyo sida dalka loogu qaybiyay.
  7. Lagama hadlin Ciidammada Ethiopia oo dalka ku jooga sharcidarrada oo Xisbiyada iyo dowlad Goboleedyada ka dacwoodeen.
  8. Lama xusin caqabada hakiyay wada hadalladii Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.
  9. Lagama hadlin xaraashka kheyraadka shidaalka iyo kalluumeysiga horey loo sameeyay ama gabogabo ah. Madaxweynaha wuxuu uga hadlay sidii inaysan waxba dhicin ama socon ee la rabo nadabgelyo si kheyraadka looga faa’ideysto.

Waxyabaha Madaxweyne Farmaajo beenta ka sheegay waxaa ka mid ah:

  1. In sharciga doorashada ka soo horjeedo ama xaarantimeeyay wax ku qaybsiga qabiilka 4.5 . Qodobka 12(3,5) ayaa faraya dhawrista mataaladda qabiilka.
  1. In tirada dilalka iyo dambiyada kale ee ka dhacay Gobolka Benadir ay hoos u dhaceen 2020.
  2. In horumar laga sameeyay xagga siyaasaddda, nabagelyada, iyo dhaqaalaha 3 1/2 sano ee la soo dhaafay.
  3. In koritaanka dakhliga canshuuraha la mid tahay koritaanka dhaqaalaha dalka. Kordhinta canshuurta waxay abuuri kartaa hoos u dhac dhaqaale.
  4. In Ciidammada dowladda laga dhigay kuwo isku dhafan oo u hoggaansan dastuurka iyo sharciga. Waa iidheh.
  5. In dowladda Madaxweyne Farmaajo bilowday mashaariicda dhaqaalaha, maaliyadda, waxbarashada, iyo caafimaadka, kuwaaso la bilaabay 2013, 2014, 2015, iyo 2016. Mashruuca dugsiyada aada, barnaamijka deyn cafinta, tirakoobka ciidammada iyo shaqaalaha, iyo barnaamijka la dagaalka musuqmaasuqa waxaa la bilaabay xilligii Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamud.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu inkirsan yahay in laga soo bilaabo 2000 dalka Soomaaliya ka talinayeen dowlado xukunka isaga dambeeyay. Dabeecadda ah “anigaa ugu horreeya” waa cudur halis ah.

Dr. Maxamud M Culusow

Afeef: Qoraalkani waxa uu ka tarjumayaa aragtida shaqsiga ah ee qoraaga, marnana kama tarjumayo ra’yiga hay’ad ama shaqsi kale.

Related Articles

3 Comments

  1. Online psychology essay writing services are very difficult to complete and many students are always searching for Help with Psychology Coursework Writing services to help them complete their psychology research paper writing services and psychology case study writing services.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW