U bood dhigaalka

Fanaan Shey Mire Dacar Oo Ku Geeriyooday Hargeysa

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa gelinkii dambe ee shalay magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland ku geeriyooday fanaankii caanka ahaa Sahey Mire Dacar oo maalmahan ku xanuusanayey Isbitaal ku yaalla magaalladaasi.

Xanuunka fanaanka uu u dhintay lama sheegin, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in xanuunkan muddo hayey, dhawaan isaga oo daawo u socotayna safar u aaday London, markii uu dib ugu soo laabtay Hargeysana la sheegay in xanuunkii uu kusoo noqday.

Shey Mire Dacar waxa uu qaaday heeso kala duwan oo aad u jeclaayeen Soomaalida, waxaana lagu xusuustaa waxyaabo badan.

Waxa uu shey Mire uu dhashay sanadkii 1969, heesaha uu qaado waxay u badnaayeen kuwa lagu garaaco kabanka, waxa uuna ifka kaga tagay 5 carruur ah, Saddex Wiil iyo Labo Gabar.

Goobjoog News