U bood dhigaalka

Fanaannada Soomaaliyeed Sahra Axmed Jaamac Oo Geeriyootay

Sheeko:Dalka

Fanaannada Soomaaliyeed Sahra Axmed Jaamac ayaa goordhawayd ku geeeriyootay magaalada Hargeysa ee Somaliland.

Sahro Axmed, waxaa ay horay uga tirsaneyd hobollada Waaberi, waxaa ayna fanka ku jirtay in ka badan 50 sano.

Sahro Axmed, waxa ay  fanku ku biirtay 1969-kii labadii heesood ee ugu horeeyay , oo kala ahaa Wacad iyo Qadraay waxa ay la qaadey AHN  Maxamed Nuur Giriig .

Waa fanaanada ugu heesaha badan dumarka fanka ku jirey , waxa ay qaadey boqolaal heesood, waxa ka mida naf ku jecel aduunyada oo  uu leeyay Axmed Saleebaan Bide , Bada caashaq  oo uu leeyay Alle u naxariiste Maxamed Cumar Huryo, Isoo gaadhey  oo uu leeyay Axmed Saleebaan Bide, Sayla oo ay qaadaan Xasan Aadan Samatar  oo uu leeyay Xasan Ganey iyo boqolaal kale.

Weriyaha Goobjoog News Hargeisa ayaa sheegaya in aaska iyo hab maamuuska dib laga ogaan-doono.

Goobjoog News, waxaa shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeyneysaa geerida fanaannada Sahro Axmed, ilaahey janaddii haka waraabiyo.

Wararkan kala soco, Goobjoog News