U bood dhigaalka

Faragelin Noocee Ah Ayey Dowladda Federaalka Ku Heysaa Koonfur Galbeed?!

Sheeko:Dalka

24-kii saac ee tagay waxaa ka dhacay magaalada Baydhabo ee dowlad goboleedka koonfur galbeed isbadallo ku tusinaya inay qasantahay xaaladda maamulkaasi, howluhuna aaney u socon sidii loogu talo-galay, taasi oo laga yaabo inay dib dhigto doorashada madaxtinnimada oo qorshuhu ahaa in la qabto 17-ka bishan.

Hadaba, Goobjoog News waxaa ay akhristayaasheeda xusuusineysaa sida ay wax ku bilowdeen iyo halka ay xaaladdu mareyso.

Xiriirka Dowladda iyo Isbadal-doonka:  Shakiga ah inuu xiriir jiro waxuu soo shaac baxay markii kooxda tartanka kula jirta Shariif Xasan ay noqdeen qaarkood saraakiisha dowladda sida taliyihii NISA  Mudane  Xuseen Cusmaan Xuseen, Wasiirkii Tamarta iyo Biyaha C/casiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo mas’uuliyiin kale.

Marka laga soo tago ilaalada ay raggaasi heystaan, waxaa jirto in qaarkood si cad u sheegaan inay wadato dowladda federaalka ah, iyaga oo cadaadis ku saarey odoyaasha dhaqanka inay isbadal ka shaqeeyaan!!

U Yeeridda Xildhibaannada K.Galbeed: Sida ay Goobjoog News u sheegtay Aamino Mursal oo ah murashaxadda keliya ee haween ah oo ku jirta tartanka madaxtinnimada koonfur galbeed, guddoomiyaha golaha shacabka  JFS Maxamed Mursal ayaa wuxuu Muqdisho ugu yeeray xildhibaannada koonfur galbeed, shirar wadatashi lagu sheegay ayuu la galay, isaga oo tusiyey daryeel dowladeed waa sida ay hadalka u dhigataye.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal ayaa la sheegayaa inuu wax badan ka qabtay xaaladdooda nololeed, mid caafimaad, kulana taliyey inay isbadal ka sameeyeen doorashada ka dhaceysa Baydhabo 17-ka bishan!!

Cadaadinta Shariif Xasan:  ilo ka tirsan madaxtooyada dowlad goboleedka koonfur galbeed ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey inay jiraan cadaadis la saaray madaxweyne Shariif Xasan, isagana uu ku fakiray xataa inuu ka tanaasulo tartanka madaxtinnimada koonfur galbeed ee 17-ka bishan!

Qaar ka tirsan murashaxiinta Isbadal-doonka ayaa dhankooda Goobjoog News u sheegay in cadaadiska uu ka yimid odoyaasha dhaqanka, oo aaney dowladda federaalka ah iyo cid kale shaqo ku laheyn!

Iscasilaadda Guddiga Doorashada: Xilli dad badan ay sugayeen tanaasulka Shariif Xasan ayaa mar qura la arkey iscasilaadda guddoomiyaha guddiga doorashada koonfur galbeed Xildhibaan Carfo Ibraahim Aadan, guddoomiye ku-xigeenka, afhayeenka guddiga iyo xubno kale, Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Baydhabo waxaa ay sheegeen in dowladda federaalka ay magaalada Muqdisho u soo kaxeysay xildhibaannadii dowlad goboleedka Koonfur galbeed, isla markaana ay murashaxiinta la’yihiiin cid ay u khudbeeyaan, oo barnaamijkooda la wadaagaan.

Xubnaha guddiga is-casilay waxaa ay Villa Somalia ku eedeeyeen fara-gelin, carqalad iyo inay dhibaato ku tahay doorasho ka dhacdo koonfur galbeed.

Cambaareynta Golaha Iskaashiga: Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa dhankooda waxaa ay xalay soo saareen war-murtiyeed lagu sheegay in Villa Somalia ay faragelin qaawan ku heyso doorashada koonfur galbeed, cambaareeyana siyaasadda dowladda dhexe ee kala qeybinta shacabka, baarlamaanka iyo xukuumadda koonfur galbeed, iyaga oo ka digay in wax kasta oo ka soo baxa doorashadaas, oo aan loo marin hannaanka saxda ah aaney aqoonsan-doonin dadka reer koonfur galbeed.

Golaha iskaashiga dowlad goboleedyada waxaa ay dowladda federaalka ah ku eedeeyeen inay wadaan qorshe lagu burburinayo hannaanka federalism-ka dalka, , soona celinayaan kaligii talisnimo, iyaga oo ku baaqay in laga hortago in dalka mar kale ku laabto dagaallo sokeeye.

Goobjoog News