U bood dhigaalka

Faransiiska Oo Baraarujiyay Wadamada Reer Yurub

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Faransiiska Bernard Cazeneuve ayaa wadamada Yurub u ugu baaqay in ay hurdada ka kacaan kadib weeraradii Paris.

Wasiirka ayaa hadlayey kadib markii lagu dhawaaqay in la dilay nin la tuhunsanyahay in uu yahay maskaxdii ka dambeysay weeradii ka dahcay Paris kaas oo heystay dhalasho dalka Beljam ah.

Ra’iisul-wasaaraha dalka Belgiumka Charles Michel ayaa dhankiisa difaacay ammaanka dalkiisa isaga oo sheegay in ammaanka Belgiumku uu aad u hagaagsanyahay xili lagu soo cel celinayo in weeradii Fransiiska lagu qaaday laga soo abaabulay dalka Belgium.

Dalka Fransiika ayaa hadda sii balaarinaya goobista loogu jiro soo qabashadda Saalax Cabdisalaan oo ah hadda ninka loogu raadinta badanyahay Yurub.

Waxaana baadi goobkiisa hadda laga wada wadamo uu kamid yahay dalka Holland.

Waxaa sii kordheeysa cabsida ay qabaan dadka muslimiinta ah ee ku nool dalka Faransiiska iyo Guud ahaan gaaradda Yurub kuwaas oo ka cabsi qaba in ay saameyso naceybka isa soo taraya ee loo muujinayo bulshooyinka Muslimiinta ah.

Ururka IS oo ka dambeeyey weerarkii Paris oo ay ku geeriyoodeen dad ka badan 130 ayaa hadda ku hanjabaya in weeraro cusub ay ku qaadayaan Magaaladda New York ee Dalka Mareykanka.

Duqa New York ayaa saxaafadda u sheegay in aan la dhayalsan hanjabaadda kooxda oo farsamooyin badan lagu tuhmayo.

Cabsi gelinta Daacish ayaa imaameysa xili Xisbiga Jamhuuriga ah ee dalka Mareykanka ay qalqaalo ugu jiraan in la joojiyo qaxootiga muslimiinta ah ee Mareykanka galaya.

Goobjoog News