U bood dhigaalka

Faransiiska Oo Itoobiya kataageeraya Sidii Loo Xallin Lahaa Khilaafka Kala Dhaxeeya Eritrea

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Faransiiska Jean-Yves Le Drian ayaa gaaray magaalada Adis-ababa ee caasimadda Itoobiya, halkaasi oo uu ku joogi doono booqasho qaadaneyso labo maalmood.

Wasiirka ayaa sheegay in sababta uu u tagay Itoobiya ay tahay sidii Paris ay uga taageeri laheyd Itoobiya in la xaliyo Khilaafka kala dhaxeeya Eritrea  iyo Itoobiya.

Jean-Yves Le Drian ayaa sidoo kale Tilmaamay in madaxda Itoobiya ay ka wadahadli doonaan sidoo loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya Fransiiska iyo Itoobiya.

Asmara iyo Adis-ababa tan iyo markii Eritrea ay ka qaadatay xornimada Itoobiya 19993 ka dib dagaal u dhaxeeyay labada dal kaasi oo socday 30 sano, dowlad walba waxay midda kale ku eedeyneysaa in ay taageerto kooxaha Fallaagada ah.

Goobjoog News