U bood dhigaalka

Faransiiska oo laga dalbaday in uu kaalin ku yeesho wadahadalada Somaliland iyo Dowladda Federaalka

Sheeko:Dalka

Iyada oo maalmahan ay soo cusboonaanayaan arrimo ku saabsan wadahadaladii Somaliland iyo dowladda federaalka ee Soomaaliya, islamarkaasina maanta uu Hargeysa booqasho ku tagay safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Olgan Bakar, kaasi oo maamulka Hargeysa  kala hadlayo arimo ay ka midyihiin waanwaanta uu Turkiga ka dhexwado labada dhinac ayaa waxaa soo baxaya wadamo kale oo shisheeye ah oo iyaguna danaynaya wadahadalada Soomaaliya iyo Somaliland.

Safiirka Faransiiska u qaabilsan Soomaaliya Remi Marechaux ayaa dhawaan safar ku tagay magaalada Hargeysa, isaga oo wadahadal la yeeshey madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo.

Maamulka Somaliland ayaa safiirka u jeediyey  in dowladda Faransiiska ay Goobjoog ka noqoto wadahadalada Somaliland iyo Dowladda Federaalka ee lagu qabanayo dalka Turkiga.

Faransiiska ayaa horey oga gaabsaday ku lug yeelashada arrimaha Soomaaliya, waxay howshiisa ku koobneyd in uu soo furto dadka ay afduubtaan Buracd badeedka.

Goobjoog.com