U bood dhigaalka

Fariin Loo Diray Wasiirada Cusub Ee Maamulka Koonfur Galbeed (Dhageyso)

Sheeko:Dalka
Baydhabo
Baydhabo

Golaha guurtida Odayaasha dhaqanka ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka hadlay magacaabista wasiirada maamulkaasi iyaga oo sidoo kale fariin u diray xubnahaan cusub.

Afhayeenka Golahaan Malaaq Cali Cabdiraxmaan Shiino oo u waramay Idaacadda Goobjoog ayaa sheegay in wasiirada ay hortaalo shaqooyin aad u badan, islamarkaana looga baahan yahay in dhexda ay u xirtaan.

Waxa uu sheegay in fariinta ay dirayaan ay tahay in wasiirada aanay daaro waaweyn inta iska degaan aysan iloobin shaqooyinkooda, loogana baahan yahay in ay u istaagaan sidii ay u samatabixin lahaayeen shacabka dhiban.

“Wasiirada waxaan leeyahay shaqo samafal ah ayaa la’idiin kaga baahan yahay, dadaalkiina Laba Jibaara, ma ahan in dhexda inta lasoo xirto, dhalinyari waardiye laga dhigto guri weyn la dego, waa inaad dadka baahan ee wadooyinka ku daadsan wax u qabataan, anagane waan idiin taageersannahay” Malaaq Shiino ayaa sidaasi yiri.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay soo magacaabay Ilaa 20 wasiir, xilli horay uu ugu dhawaaqay Afar Xubnood oo wasiiradiisa hordhac u ahaa.

Halkaan Hoose ka dhageyso.

Goobjoog News