U bood dhigaalka

Xaqiiqo: Farmaajo, 4 Ballan Oo Madaxweynaha Ay Tahay In La Xusuusiyo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaa uu shacabka ka qaadey ballamo badan, waxaaa qaarkood ay  aheyd in mar hore wax laga qabto, laakin dib dhac ayaa ku yimid, sababtana lama yaqaano, waxaa ayna shacabka sugayaan in la qabto.

Goobjoog News waxaa ay madaxweyne Farmaajo xusuusineysaa  illaa afar(4) ballan oo la doonayey in wax laga qabto balse aanan wax laga qaban, shacabkana uu sugayo jawaabo waafi ah.

Ballanta 1aad:

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo daqiiqado kadib markii la doortay waxaa uu ballan-qaaday in uu la hadli doono shacabka, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa:

“In sha allah waxaan rajaynayaa maalmaha soo socda  inaan dalka u jeediyo khudbad inta taas laga gaarayo, waad mahadsantihiin”

36 maalmood doorashadiisa kadib, madaxweynaha weli lama hadlin shacabka, waxaa dalka haatan  ka jirta abaar, amni darro iyo arrimo badan oo shacabku ay dowladdiisa  uga fadhiyaan in ay wax ka qabato.

Ballanta 2aad:

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in dowladdii ka horreysay shaqadeeda aheyd  tacsi  iyo cambaareyn isagana uu waddo middaas ka duwan qaadi doono, hadalladiisa waxaa ka mid ahaa:

“Ma moogi dowladdu in ay dagaal ku jirto, waxaa waaye dagaalku waxa uu ka socdaa hal dhinac  Alshabaab ayaa meeshey rabto weerarta, shabaabaa meeshii ay rabto qarxisa,  waxaan heynaa oo kaliya oo ay dowladdu heysaa  tacsi  iyo cambaareyn”.

Madaxweynaha Soomaaliya waxaa uu ballan-qaaday sidan:

“Hal malyan oo doolar in bishii meel loo dhigo  qofkii soo sheega baabuurka qarxaya in la siiyo 100,000 oo doolar  haddii uu rabo inuu dibada loo dhigo  qofkii warbixin fiican keeno oo umadda lagu babaadiyo hadduu rabo inuu dibada aado si uu maalmo u soo maqnaado si aysan ud ilin  inaan ufududeyno”

Farmaajo, waa uu sii hadlay “ waxyaabaha ay qarxiyeen haddii ay yihiin hoteelo  iyo guryo inaan dhisno annaga,  maxaa yeelay anagaa ka mas’uula  annagaa ilaalin weynay  nabad gelyadii  dadka ku dhinta, inaan magdhow siino, hooyooyinka iyo aabayaasha ku dhintay ilmahoodu ay agoon iyo rajo ay ku noqdaan, inaan u wadno dhaqaalihii ay waalidka ka heli jireen  micnaheedu waxa uu noqonayaa  shabaab oo ka soo horjeeda umadda Soomaaliyeed oo dhan  iyo dowladdii oo wadata shacabkeeda  oo qofkii dhib uu ku dhaco ay daaweysanayso ama ay xuquuqdiisa ay siinayso . 

Goobjoog News, waxaa ay la kulantay qaar ka mid ganacsato ku hanti beelad qaraxyadii dhacay dhowaan, waxaa kaloo nala hadlay qaar ka tirsan waalid caruurtooda ay qaraxyadaas ku dhinteen, waxaa ay sheegeen in dowladda aanay la hadlin, ballana ay arkin, wax walabana ay iyaga qabsanayaan.

Ballanta 3aad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu ra’isul wasaare Xasan Khayre ku magacaabay 16 maalmood kadib markii isaga la magacaabay, isla fadhigaas waxaa uu ra’isul wasaaraha ka dalbaday in uu xukuumad ku soo dhiso 15 maalmood, maalinta ka dhaariyo kadib, hadallada madaxweynaha waxaa ka mid ahaa:

“Waxaan ka codsanayaa Guddoomiyaha baarlamaanka iyo golaha shacabka inay ansixiyaan sida ugu dhaqsiyaha badan hadduu ilaahay yiraahdo si uu uguto waajibaadkiisa,  anigu waxaan haystaa muddo soddon cisho ah inaan magacaabo, maanta waa maalintii lix iyo tobnaad madoonaayi inuu dalka uu ka khasaaro waqti kale ama uu ka lumo, isagana waxaan ku boorinayaa markii la ansixiyo inuusan ka badan muddo shan iyo toban cisho inuu ku soo dhiso xukuumad wanaagsan oo hufan oo runtii shacbiga Soomaaliyeed ugu shaqeyn doonto mabaadii’da aan aamisannay .

Dhaarinta ra’isul wasaaraha waxaa laga joogaa wax ka badan 15 maalmood, weli lama dhisin xukuumad, dhibaato badan ayaa dalka ka jira oo shacabka waxaa ay baahi u qabaan xukuumad deg deg wax ka qabata, tani waa xusuusin kale.

Ballanta 4aad:

Doorashada madaxweyne madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo kadib, waxaa kordhay qaraxyada iyo dilalka tooska ah, tusaale ahaan, doorashada Farmaajo kadib waxaa Muqdisho lagu dilay in ka badan 84 qof halka lagu dhaawacay in ka badan 78 qof.

Bishii la soo dhaafaywaxaa la dilay illaa shan(5) Oday-dhaqameed, waxaa ka mid ahaa:  Nabadoon Bashiir Maxamed Cali (Xagaley), Nabadoon Muuse Maxamuud Rooble (Muuse Ilka-weyne), Nabadoon Cabdi Cumar Ibraahim iyo nabadoonno kal, waxaa kaloo la dhaawacay labo oday dhaqameed, Odoyaashan qaarkood waxaa ay qeyb ka ahaayeen doorashadii dalka ka dhacday 5-tii bil ee la soo dhaafay, waxaa intaa dheer dilalka loo geystay shacabka iyo qaraxyada.

Hadaba, waxaa xusuusin u baahan goorta amniga wax laga qaban doono oo la arki doono nabad ay hesho caasimadda Soomaaliya.

Goobjoog News