U bood dhigaalka

Farmaajo: 9 Bil Gudaheed Ayaan Ku Dhameystireynaa Dhismaha Tiyaatarka Qaranka(National Theatre)

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhagax dhigay xarunta Golaha Murtida iyo Madadaalada Qaranka(National Theatre) ayaa ballanqaaday in lagu dhameystiri doonno muddo 9 bil ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay karti iyo awood u leeyihiin dib u soo celinta xarumihii danta guud iyo bilicdii uu ku tilmaamnaa dalku.

“Maanta waa maalin weyn oo muujinaysa sida ay nooga go’an tahay in aan dalkeenna dib u dhisanno. Macno weyn ayey leedahay in halkan ay ka bilaabato howlaha dib u dhiska Xarunta Golaha Murtida, isla markaasna aan u gudubno dayactirka iyo dib u dhiska goobaha kale ee guud ahaan dalka.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay Tiyaatarka Qaranka, isagoona kula kulmay qaar ka mid ah hormuudka bahda fanka iyo Hobollada Waaberi.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay sugaanyahannada Soomaaliyeed in ay kaalintooda ka qaataan dagaalka ka dhanka ah argagixisada Alshabaab ee caadaystay dhibaataynta dadka Soomaaliyeed, maadaama suugaantu ay wacyi gelin iyo dhaxal reebba u tahay shacabka.

Goobjoog News