U bood dhigaalka

Farmaajo, Abiy Iyo Asaias Oo Heshiis Seddex Geesood Ah Wada Galay (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Sida lagu baahiyay barta ay madaxtooyada Soomaaliya ku leedahay Facebook-ga, Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eritrea Mudane Isaias Afwerki iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Mudane Abiy Axmed ayaa xalay heshiis saddex geesood ah ku wada kala saxiixday magaalada Asmara ee caasimadda waddanka Eratariya oo madaxweyne Farmaajo uu gaaray saacadihii dambe ee shalay oo Arbaco ahayd.

Ujeedka heshiiskani oo ah iskaashi dhaqaale oo dhexmara dowladahani ayaa sidoo kale lagu sheegay in dalalka Soomaaliya, Eratariya iyo Itoobiya dhaqangelinta heshiidkani uu u horseedayo xasilooni iyo horumar.

Soomaaliya ayaa wali waxaa ka jira colaado, iyadoo dhul badan ay gacanta kaga heystaan dowladda federaalka mucaaradka hubeysan ee Alshabaab.

Lama caddayn kaalin rasmiya oo xukuumadaha Itoobiya iyo Asmara ay ku yeelanayaan nabadgalyo kaga gaaro colaadaha aafeeyay sanadaha badan Soomaaliya, marka laga soo tago in Itoobiya ciidankeedu ay qeyb ka yihiin howlgalka nabad ilaalinta AMISOM.

“Heshiiskan ayaa waxa uu dhigayaa in Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay yeeshaan iskaashi dhaqaale, amni, bulsho, dhaqan iyo siyaasadeed, lagana shaqeeyo sidii guud ahaan Gobolka Geeska Afrika loogu soo dabbaali lahaa xasillooni iyo horumar” ayaa lagu yiri qoraalka madaxtooyada Soomaaliya baahisay.

Bartamihii sanadkani ayay ahayd markii booqasho magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya uu ku yimid Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed kaddib kulan ay wasa qaateen afar saac madaxweynaha qaranka Maxamed Farmaajo inay wada gaareen heshiis qodobo kamid ah qeexayaan in Addisababa lagu wareejiyo afar dekadood oo Soomaaliya ku yaalla si ay maalgashi ugu sameysato.

Heshiiska seddexda dowladood ay wada gaareen ee Soomaaliya, Itoobiya iyo Eratariya oo suntan iskaashiga dhaqaalaha ayaa la ogayn ujeedka rasmiga ah oo laga leeyahay iyo dowladaha gadaal ka riixayaan.

Seddexdani hoggaamiye FarmaajoFarmaajo, Asaias iyo Abiy ayaa maanta Asmara waxaa uga furmi doono shir qaadanaya laba cisho oo iskaashiga dhaqaale lagaga hadlayo sida saacado ka hor lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Su’aalaha la isweydiin karayo waxaa sidoo kale kamid ah sababta keentay in dowladaha gobolka oo horumarka dhaqaale ku tallaabsaday ay uga maqan yihiin sida Jabuuti oo xurgufi kala dhaxeeyso Eretariya.

HOOS KA DAAWO SAWIRRADA:

 

Goobjoog News