U bood dhigaalka

Farmaajo: Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan hindise-sharciyeedka dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka hadlay maalinta caalamiga ah ee Naafada Adduunka ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoogga saareyso u adeegidda dadka naafada ah.

Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay masuuliyadda gaarka ah iyo midda wadareed ee ku aaddan dadka naafada ah sidii ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga u ah iyo xuquuq dhammeystiran.

Madaxweynaha ayaa Aqalka Sare ugu baaqay in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taas oo aasaas u ah mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah.

“Aqalka Sare waxaan ugu baaqayaa inay dedejiyaan Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hey’adda Naafada Qaranka, taasi oo fududayn doonta in dadka naafada ah ay helaan adeegyada ay u baahan yihiin”

Goobjoog News