U bood dhigaalka

Farmaajo: Dabar Go’a Al shabaab Waxaa Uu ku Xiranyahay Isku soo Dhawaanshaha Hay’adaha Amniga iyo Shacabka.

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa ka hadlay weera habeenkii xalay ahaa Al-shabaab ay ka geysteen Pizza House ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dileen dad shacab ah.

Madaxweynaha oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkaasi.

“Waxan ka tacsiyaynayaa dadkii xalay ku geeriyooday weerarkii naxariis darrada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ka geysteen goobo ay dadka shacabka ah isugu yimaadaan. Dadkaasi waxay ahaayeen dad shuhado ah oo bil Ramadaan la dilay, waliba xilli ay farxaddii afurka ku jireen.”

“Waa arrin laga murugooda in bil barakeysan, waliba 10kii dambe dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan in la laayo, waliba lagu faano ayada oo shaar diimeed la huwanyahay.”

“Cadawogan waa mid noo diidan inaan faraxno, inaan nabadgalyo helno, inaan shucuubta dunida la jaanqaadno, in qoysaska Soomaaliyeed ay nabad ku soomaan, nabadna ku afuraan.”

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in goobtii xalay la weeraray ay ahayd meel ay isugu yimaadaan dhallinyo yar yar oo dhigta Iskuullada iyo Jaamacadaha, sidaasi darteedna waxa loo laynayo ay tahay oo kaliya sababta ay u faraxsan yihiin, una gashay rajada dowladnimo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Goobtii ay xalay weerareen waa meel ay inta badan isugu yimaadaana dhallinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ee ay da’dooda u dhaxeyso 15 ilaa 25. Aan is waydiinno maxaa loo laynayaa dhallinyaradaas? Ma ciidan baa? Ma Dowladbaa? Jawaabtu waa maya. Waxaa loo laynayaa maxaad u faraxsantihiin. Maxay rajo dowladnimo idiin gashay. Maxaad fikirka xagjirka ah u qaadan la’dihiin”

Ugu dambeyn Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney xoojiyaan wada shaqeyntooda ku aadan ciidamada ammaanka si looga hortago falalka amni darri.

“Waxaa jira ciidamo maalin iyo habeen dariiqyada taagan si ay amniga shacabka u sugaan. 20kii malamood ee Soonka waxaa laga hortagay falalkan noocan oo kale ah. Waxayna ku timid wada shaqeynta shacabka iyo hay’ada ammaanka. Wadashaqyentaas waa in lasii xoojiyaa. Dabar go’a Al shabaab wuxuu ku xiranyahay isku soo dhawaanshaha hay’adaha amniga iyo shacabka.”

Goobjoog News