Farmaajo: Dalalka Dariska iyo Khaliijka Ayaan Ku Heynaa Xargo

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ayaa sheegaya in dalalka dariska ay yihiin saamiley dano ka leh Soomaaliyeed, isla markaana ay adeegsadaan siyaasiyiinta , xildhibaannada, dowlad goboleedyada iyo qeybo kale.

Farmaajo oo arrinkaas ka hadalaya waxaa uu yiri ““Dowladaha dariska oo saamileyda qeyb ka ah, oo dano qaran ka leh dalkii, oo iyagu naftigooda rabo iney saameyn ku yeeshaan waxa shaqeynaya, haddii qaarkood ku jeclaan waayaan, oo uma arkaan in aadan la shaqeyneyn, waxaa ay heystaan iney ku soo dhex maraan dowlad goboleed, waxaa ay heystaan iney ku soo dhex maraa 2,000 oo siyaasiyiinta ahaa, waxaa laga yaabaa iney ku soo dhexmaraan xildhibaannadii, waxaa laga yaabaa iney ku soo dhexmaraan dowladda dhexdeeda, marka iyagu naftigoodu waxaa weeye in aad xiriir fiican la yeelato”.

Dhinaca kale, Farmaajo waxaa uu intaasi ku daray in hadda ay Khaliijka ku soo biireen, mar uu ka hadlayey waxaa uu yiri “Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay iney hadda Khaliijka ku soo biireen “Hadda waxaa nagu biiray khaliijka, oo iyagu naftigoodu qeyb ka ah howlaha socda, caqabadahaas oo dhan ayaan mid weliba waxaan ku heynaa xargo si dowladdu u shaqeyso, oo u hano qaado, oo wax la taaban karo, waqtiga yarka ah ay heysato u qabato”.

Farmaajo ayaa safar shaki badan ku jooga magaalada Nairobi, lamana oga ujeedkiisa  rasmiga ah ee uu halkaasi u tagay, mana jirto cid wax ka og jadwalkiisa shaqo iyo cidda uu la kulmayo.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

  1. Waxaa jirta cabsi daran oo ah in safarka Farmaajo ee Kenya uu
    daaran yahay ujeeddooyinka la sheegay maahee qaar kaloo qarsoon. Armaa uu Farmaajo mindiyaha u afeysanayaa inuu Kenya ku wareejiyo baddii Soomaliyeed oo ay dacwadu ka socotay?
    Kaba soo qaad in Uhuru Kenyata uu Farmaajo u soo jeediyay qorshahan ka kooban saddexda rac:
    A. Ninyohow aan kaa hor leexiyo Axmed Madoobe. Adiga qof aad si’ weyn ugu kalsoon tahay u dhiibo jagada madaxweynenimada Jubbaland.
    B. Kenya waxay beesha aad ka dhalatay ka dhiganeysaa saaxiibka kowaad oo lagu tallaalayo halka ay maanta joogto Beesha Axmed Madoobe, taasoo aan masraxa ka saareyno.
    C. Kenya waxay kugu taageraysaa (abaabul ahaan iyo dhaqaale ahaanba) inaad ku guuleysatid tartanka doorashada madaxweynenimada ee kugu soo fool leh bilowga sannadka 2021.
    Farmaajow, taageeradaas saddexda rac ka kooban ee Kenya waxaad ku heli kartaa adigoo sameeya hal arrin oo iska sahlan:
    — Kuma lihi bad Soomaaliyeed Kenya u saxiix oo ka noqo dadaalka ay dawladdaadu ugu jirto inay baddaas u soo dhiciso Soomaaliya.
    — Kuma lihi badda Soomaaliyeed u hibee Kenya.
    Keliya waxaad oggolaataa in dacwada badda lagu dhammeeyo meel aan aheyn maxkamada Hague ay hadda hortaalo. Waxaad oggolaataa keliya in dacwada badda sulux iyo wanaag iyo saaxiibtinnimo iyo wadahahadal lagu dhammeeyo, sida ay kuu soo jeediyeen saaxiibbadaa: Siisiga Masar, Abbiy-ga Itoobiya, Guddoomiyaha Ururka Midowga Afrika iyo Madaweynihii hore ee Koonfur Afrika.
    Warqaddas yar ii qor, aniguna waxaan kaa ballan qaaday inaan kuu fuliyo saddexda ballan ee kala ah:
    A. iyo B. Iyo C. ee kor ku taxan.
    Iyadoo la ogsoon yahay inay intaas jirto, weyddintu waxay tahay:
    Farmaajo ma diidi karaa qorshahaas geedeysan oo weliba malabeysan?
    WAA TAA WEYDIINTU.
    SIda ay aniga ila tahay arrinkan Farmaajo dabcan tolkii buu kala tashanaya ee keligii go’aan kama gaarayo.
    Waxaa miisaanka saaran waa: Mustaqbalka tolkii oo la hagaajinayo iyo madaxweynenimada oo loo cusbooneysiinayo afar sanoo kale.
    Reer Gedo maxay ku talin doonaan. Farmaajo go’aan noocee ah buu gaari karayaa?
    Inta aadan ka jawaabin weydiintan masiiriga ah, tixgeli:
    In Gedo ay tahay dhul abaareed oo noloshuna adag tahay.
    In dawladda Kenya cadaw u aragto beesha ugu tunka weyn gobolka Gedo aadna u takoorto, ciriiri badanna saarto.
    In Maxamed Siyaad Barre uusan weligii wax muuqda u qaban gobolkas.
    In Farmaajo uu yahay madaxweynihii labaad ay reer Gedo ku yeeshaan hoggaaminta qaranka Soomaaliyeed.
    Sida ay la tahay qoraha maqaalkan, arrimaha kor ku xusan oo dhan waa wax dhacay oo uu Farmaajo maanta dhex maquurayo. Maaha wax malawaal ah.
    Waxaana u daliil ah in codsigii hore ee Kenya uu ahaa in dacwada dib loo dhigo ilaa hal sano. Taa lagama yeelin oo laba bilood baa dib loo dhigay.
    Mar kale ayey Kenya weydiisatay in dacwada dib loogu dhigo.
    Caadiyan, sida lagu yaqaan maxkamadaha, codsiga kale ee dambe waxay aheyd in Kenya la siiyo muddo ka yar tii labada bilood aheyd. Matalan in dib loogu dhigo bil kale amaba bil iyo bar. Haddase siddeed bilood (8 months) baa dib loogu dhigay Kenya.
    Amuurtan dibu-dhigidda siddeeda bilood ah maaha wax caadi ah. Waa wax ay oggolaatay Dawladda Soomaaliya. Si’ kastoo loo qariyo ama loo inkiro. Sideedabana, qaris waa khiyaano bilowgeed. (Secrecy in similar cases as this often denotes treason).
    Waaya-aragnimadeyda gar-yaqaannimada ah baa intaas ii iftineysa.
    Dibu-dhigidda madasha dacwada badda ay Maxkamadda Caddaaladda ee Caalamiga ah ay 8 bilood dib u dhigtayna, waxay marag u tahay in Farmaajo uu farafareyn ku bilaabay dacwada baddii Soomaliyeed. Farafareyn bilaabatayna waa adag tahay si’ loo joojiyo.
    Famaajo madaxweynenimadiisa iyo danta tolkii miyaa kala weynaatay difaaca baddii Soomaaliyeed?
    Waxse halis weyn ah oo laga yaaba inay ka hoos baxdo Farmaajo oo aan aqoon iyo waaya-aragnimo u laheyn shuruucda maxkamadaha, in maalintii uu saxiixo warqadda ah in dacwada dib looga soo celiyo Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) ee ku taal magaalada Hague ee dalka Holland, maalintii uu Farmaajo oggolaado in dacwada badda lagu dhammeeyo maxkamadda dibeddeeda, UHURU KENYATA wuu ka noqonayo saddexda ballan oo Farmaajo lagu hawl geliyay. Dacawadana dib loogu ma celin kari doono maxkamadda ICJ (International Court of Justice). Fudeydka Farmaajo iyo xanuunka xagga maskaxda ee autism-ka ah ee lagu xanto, baa taas suurtagal ka dhigeysa.
    FARMAAJANA WUXUU KU DAMBEYN DOONAA MID IF IYO AAKHIRABA LUMIYAY: (khasira-dunyaa wal aakhira daalika huwal khasraanul mubiin.).
    Allow ka yeel inaan qaldanahay, uu Farmajana yahay diric waddani ah oo aan la loodin karin. Inkastoo hadda la loodiyayba, markii uu Kenya u oggolaaday siddeed bilood (8 months) oo ah dibu-dhigid dacwo.
    Haddii hanqaltaagga xunee Farmaajo uu run yahayna, Allow sharkiisa iyo shiqoolladiisaba isaga ku rog.
    Soomaali meel kastoo ay joogtaba ha tashato. Baddii Soomaaliyeed, sida muuqata waa sii SALAG LEEDAHAY!

  2. Tallman wanku salaamey awalan , waxad ka hadashey arimo xasasiya oo tabanaya waqica jira oo marag ma doontada taaso ah in baddi Soomaaliyed oo horey loo biic geeyey marlabaad biic lagu sameynayo oo owal lacag lagu iib geeyey se hada dano beeled ba lagu iib geyn.
    Waxeynu wada ognahey in farmajo beshisu aysan aad ugu muuqan masraxyada siyasaded ama xileed ee degaan goboledkoda jubaland inkasto kursiga dalka ugu sareya ay hada haystaan taso usahli karta in ay kor ukacan walow uusan xita siyad bare horey waxba ugaga qaban booskas ay 21 sano heysten iyo 4 sano oo hada farmajo u hayey taaso isku noqoneysa 25sano oo kursiga dalka ugu sareya ay heysten taaso aysan jirin beel kamida beelaha Soomaaliyed oo nasiib uheshay mudo intas le’eg iney dalka xukuman.
    Arinta badda hadan kuso noqdo waxaa hubaal qodobadan kor ku xusan iney yihin qodobo iftiimin kara mustaqbalka farmajo iyo beshisa gabi ahaan. Tusale
    A. In axmed madoobe laga horleexiyo weynu ognaheyna in axmed madoobe uu yahey mid kamida caqabadaha farmajo legdanka kula jiro.
    B. In beeshiisu ka muuqato masraxyada siyasaded ee degaan goboledkoda jubaland taaso unoqoneysa guula waarta oo aan is bedel laheyn
    C. In lagu taakuleeyo farmajo muruq iyo maalba inuu dib ugu so laabto kursiga dalka ugu sareya ee madaxtinimo taaso ah iyaduna guul iyo riyo farmajo muddo badan la seexan waayey.
    Hadaba intaas oo benefit ah umaleyn mayo in farmajo ka leexanayo lana guti mayoh oo biyo lama ahe waxeynu aragna wa kiiski badda oo maxkamada icj lagaso qaadey walow ay nagu tahey dhaawac iyo jab aan lagaso kaban karin abid.
    Ugu dambeyn rabi heyno sahlo dalkan afsomali laguma matali kare wadaniyad sii jirta lagu dhisi kara dhalinyaro…….mhadsanid tallman.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW