U bood dhigaalka

Farmaajo: Dalalka Dariska iyo Khaliijka Ayaan Ku Heynaa Xargo

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay la hadlayey jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kenya ayaa sheegaya in dalalka dariska ay yihiin saamiley dano ka leh Soomaaliyeed, isla markaana ay adeegsadaan siyaasiyiinta , xildhibaannada, dowlad goboleedyada iyo qeybo kale.

Farmaajo oo arrinkaas ka hadalaya waxaa uu yiri ““Dowladaha dariska oo saamileyda qeyb ka ah, oo dano qaran ka leh dalkii, oo iyagu naftigooda rabo iney saameyn ku yeeshaan waxa shaqeynaya, haddii qaarkood ku jeclaan waayaan, oo uma arkaan in aadan la shaqeyneyn, waxaa ay heystaan iney ku soo dhex maraan dowlad goboleed, waxaa ay heystaan iney ku soo dhex maraa 2,000 oo siyaasiyiinta ahaa, waxaa laga yaabaa iney ku soo dhexmaraan xildhibaannadii, waxaa laga yaabaa iney ku soo dhexmaraan dowladda dhexdeeda, marka iyagu naftigoodu waxaa weeye in aad xiriir fiican la yeelato”.

Dhinaca kale, Farmaajo waxaa uu intaasi ku daray in hadda ay Khaliijka ku soo biireen, mar uu ka hadlayey waxaa uu yiri “Madaxweyne Farmaajo waxaa uu sheegay iney hadda Khaliijka ku soo biireen “Hadda waxaa nagu biiray khaliijka, oo iyagu naftigoodu qeyb ka ah howlaha socda, caqabadahaas oo dhan ayaan mid weliba waxaan ku heynaa xargo si dowladdu u shaqeyso, oo u hano qaado, oo wax la taaban karo, waqtiga yarka ah ay heysato u qabato”.

Farmaajo ayaa safar shaki badan ku jooga magaalada Nairobi, lamana oga ujeedkiisa  rasmiga ah ee uu halkaasi u tagay, mana jirto cid wax ka og jadwalkiisa shaqo iyo cidda uu la kulmayo.

Goobjoog News

Mawduucyada:Gobollada