U bood dhigaalka

Farmaajo: Dalka Doorasho Ayuu Aaday ee Halla-ogaado

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka hadlayey xaflad lagu xirayo kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay in xillgan laga bilaabo uu dalku doorasho aadayo.

Arrintan ayaa dhaceyso iyada oo uu Farmaajo saxiixay sharciga doorashada oo ka soo gudbay labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Dhanka kale, waxaa jira khilaaf u dhaxeeya maamulka Farmaajo iyo dowlad goboleedyada oo hadalkiisa ka dhigaya mid iska hadal ah.

Guddiga doorashada madaxbannaan ee qaranka ayaa horay u sheegay in March ay qorsheynayaan in ay diiwaan geliyaan codbixiyeyaasha taasi oo aan hadda dhici karin.

Goobjoog News