U bood dhigaalka

Farmaajo, Guddoonka Labada Aqal Ee BF, Madaxda 5 Maamul Goboleed oo Villa Somalia Ku Shiray

Sheeko:Amniga

Waxaa hadda soo dhamaaday shir ka dhacay Villa Somalia kaas oo uu madaxweyne Farmaajo la lahaa guddoonka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah iyo madaxda maamul goboleedyada.

Shirakan ayaa la sheegay in lagu dhameeyey khilaaf muddo sanad iyo bar ka dhex jiray labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah.

Labada aqal ayaa la filayaa iney ka wada shaqeeyaan arrimaha doorashada iyo sharciyo kale oo muhiim u ah xilliga kala guurka.

Goobjoog News