U bood dhigaalka

Farmaajo: Haduu yahay Dowlad Goboleed Ama Dowladda federaalka Xaqiiqatan ma Dooneyno Hal Maalin in lagu Daro

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo xalay ka hadlayey munaasabadda 15-ka May ayaa ka hadlay shirkii Garoowe isaga oo soo qaatey arrimo ay isku fahmi waayeen dowladda dhexe iyo dowladaha xubnaha ka ah.

Arrimahaasi waxaa ka mid ahaa isaga oo sheegay iney dowlad goboleedyada ay soo-jeediyeen dhismaha gole siyaasadeed oo aan dastuurka ku jirin, in la soo celiyo sharciyo ay xukuumadda u gudbisay baarlamaanka isaga oo ku doodey in sharciyadaas ay horay labada dhinac u wada saxiixeen, isla markaana wixii wax badal ah ay dowlad goboleedyada xubno ku leeyahay baarlamaanka.

Dhinaca kale waxaa uu ka hadlay arrinta Galmudug isaga oo sheegay inuu xaaf diiday daawo ama xal loo soo-jeediyey, waxaa uuna meesha ka saaray in waqti kororsi ay raali ka noqonayaan.

Madaxweyne Farmaajo oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “Qof walbo oo la doortay waqti ayuu ugu egyahay, haduu yahay dowlad goboleed iyo haddii uu yahay dowladda federaalka xaqiiqatan ma dooneyno hal maalin in lagu daro, maxaa yeelay waxaa ay abuureysaa kalsooni-darro, waxaa ay noqoneysaa xarig furtay,

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi farmaajo waxaa uu intaasi raaciyey in qofka tartamaya uu xaq u leeyahay inuu ogaado waqtiga doorashada, iskuna diyaariyo” Haddii qof loogu daro wax celin kara ma laha, sidaasi darteed ma aha wax qof gaar ah loo dan leeyahay, waa in ay noo noqoto xeer, haddii ay tahay dowladda federaalk ah iney hal maalin ku darsan, haddii ay tahay dowlad goboleed hal maalin ineysan ku darsan, qofkii doonaya inuu doorasho ka qeyb galo ha ogaado waqtiga saxa ah ee doorashada jirto, uu isku diyaariyo, ummadana kalsooni dhexdeeda laga abuuro”.

Goobjoog News