U bood dhigaalka

Farmaajo: Hal Milyan oo Buug Ayaan Diyaarinnay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta daah-furay Manhajka dugsiyada hoose iyo dhexe ee dalka isaga ka hadlay arrimo badan oo manhajka, ardeyga iyo guud ahaan waxbarashada dalka ah.

 Mr. Farmaajo oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ay diyaar yihiin ilaa hal milyan oo buug iyo buugaag kale oo lagu hago macalimiinta oo gaaraya ilaa 102,000

Sida ay qortay Villa Somalia, buugaagta ayaa  loo qoondeeyey in ay ka faa’iideystaan arday kor u dhaafaysa 300,000 oo wax ka barta 915 iskuul oo ku yaalla Gobollada dalka.

Dowladda federaalka ah waxaa ay si rasmi ah gacanta ugu heysaa ilaa 25 Iskuul oo ay dhigtaan 65 kun oo ardey, waxaase manhajka qaarkiis sida arrimaha bulshada in lagu dhigo Soomaali lagu dhaqaa iskuullada gaarka loo leeyahay ama ay maamulaan dalado.

Goobjoog News