U bood dhigaalka

Farmaajo Iyo Arrimaha Dibadda: Sidey Tahay In Dowladda Ku Wajahdo Dunida Inteeda Kale?

Sheeko:Dalka

Iyada oo laga amba-qaadayo  sida uu madaxweyne Maxamed Cabdullahi Faraamo ka damacsan yahay siyaasadda cusub ee Soomaaliya ku wajihi doonto arrimaha dibadda, khudbadihiisana uu ku sheegay marar badan, lana xusuusanayo habac sanaanta iyo haye raacnimada siyaasadaha arrimaha dibadda ee sanadihii hore, lagana taxa-dirayo isku taag iyo abuuris qalalaaso cusub ayaan qormadan ku soo gudbin doonna khubaro Goobjoog News kala hadlay sida ay tahay in ay noqoto siyaasadda arrimaha dibadda ee Madaxweyne Farmaajo iyo xukuumaddiisa.

Hor-u-dhac:

Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa uu maalintii la caleemo saarayey bishii hore February 22-keedii, dadkii goobta joogay iyo caalamkaba u sheegay sida uu doonayo in ay noqoto siyaasaddiisa arrimaha dibadda.

Khudbadda Qeybta Ku Saabsan Siyaasadda Arrimaha Dibadda:

“Mudanayaal iyo marwooyin tobankii sano ee la soo dhaafay  Soomaaliya waxay soo ceshenaysay xiriirkii caalamiga dowladdeenu waxay la imaan doontaa siyaasad arrimo dibadeed  oo ku qotoma labo  arrimood oo muhiim ah oo xasaasi ah:  (1). Iskaashi (2). Ixtiraam”

“Dowladdeenu waxay culeys weyn saari doontaa inay iskaashi dhaw la yeelato dalalka kale gaar ahaan kuwa aan bahwadaagta nahay ee gobolka geeska Africa, midowga Africa, Jaamacadda Carabta ,Ururka Islaamka, Midowga Yurub iyo Mareykanka iskaashiga ugu muhiimsan ee laba dal dhex mara waa midda ganacsiga, waana midka ay Soomaaliya si weyn ugu baahantahay”

“Dowladdeenu waxay abuuri doontaa jawi sahla iskaashiga ganacsigaas, waxaan dhameystiri doonaa sharciga maalgashiga dibadda uu ansixxiyay baarlamaankii hore waxaana samayn doonnaa wakaalad ama hey’ad qaabilsan maalgashiga dibadda oo si hagar la’aana u raadisa in Soomaaliya la maalgashado”

“Si gaar ah dalalka aan deriska nahay waxaan la sameysan doonnaa nidaam iskaashi ganacsi waxaana rumaysanahay inuu ganacsiga u horseedi karo is dhexgalka bulshada iyo labada dowladood wax badan ay kala faa’ideysan karaan dhaqaalahoodu oo kobca.”

“Mabda’a Labaad waa ixtiraam, waxaan dalalka aan deriska nahay aan siin doonnaa ixtiraam ay naga muday yihiin oo ugu horreyso in aanan faro galin, annagu uusan dhankeenu uu ka imaan  arrimahooda gudaha, iyagana intaas in la eg ayaan ka filaynaa in sha allaah .

Hadaba, qodobadaas uu madaxweyne Farmaajo ka hadlay sida loo dhaqan-gelin karo waxaan kala hadalnay aqoon-yahan Soomaaliyeed, kuwaas oo aqoon dheer u leh siyaasadda arrimaha dibadda.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ah xildhibaan golaha shacabka ka tirsan oo Goobjoog News kala hadlay sida ay noqoneyso siyaasadda arrimaha dibadda ee Farmaajo waxaa uu qabaa in laga fogaado qaladaadkii ka dhacay dowlahii hore oo sida uu sheegay aad ugu liitay madax-banaanida siyaasadda arrimaha dibadda.

Mr. Dhalxa waxaa uu sheegay go’aanno ku tusinaya siyaasad xumo oo dowladdii hore ay qaadatay sida xiriirka loo jaray dalka Iran, ceyrintii mucaaradka Erdogan iyo in madaxdeena oo looga yeero Adis, mar Dubia, mar Riyaadh…iyo meelo kale.

Xildhibaan Dhalxa waxaa uu madaxweyne Farmaajo kula taliyay in wax walba uu ka hor-mariyo qaranimada iyo madax-banaanida siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya isagoo dalalka kale xusuuiyay in shir walba oo dowli ah lagu taliyo dhowrista badda, biyaha, hawada iyo dhulka Soomaaliyeed.

Dr. Axmed Maxamed Khayre oo ah aqoon yahay shahaadada PhD ka heysta  qaanuunka caalamiga waxaa uu qabaa in dalalka dariska, gaar ahaa Kenya iyo Itoobiya aanay raalli ka aheyn Soomaaliya oo xoog leh, isagoo kula taliyay madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisa in loo baahan yahay in lala yimaado nidaam dowli ah oo ku saleysay in laga kaaftoomo ku tiirsanaanka shisheeyeha, nimaad ku saleysan in dalalkaas aan lala dagaalin, hadana aan la isku tiirin.

Dhanka ciidamada, Dr. Axmed Khayre waxaa uu leeyahay siyaasadda iyo danta Soomaaliya ee arrimaha dibadda waxaa ay ku xiran tahay guusha gudaha laga gaaro sidaasi darteed waxaa uu soo qaatay in loo baahan yahay baab’inta dhammaan ciidamada hadda jira oo la bilaabo qorista ciidamo qaran oo cusub, lana tixgeliyo rabitaanka qofka uu rabo ciidanka ee aan la fiirin beel ciidamo ku darsatay dowladda oo xillgii la rabo ay la bixi karaan.

Dr. Kharye waxaa uu ugu dambeyntii soo jeedinayaa in siyaasadda Soomaaliya laga madax-bannaaneeyo dibadda iyo ujeedada deeq-bixiyeyaasha oo uu ku sheegay in dalalkaasi ay daneeyaan Soomaaliya balse ay kala dan yihiin, kooxdaas oo uu sheegay in ay indhaha ku hayaan la dagaalanka waxa loo yeero argigixisada iyo maal-geshiga shirkahooda ee Soomaaliya, waxaa uu soo qaatay in dowladda Farmaajo loo baahan yahay in ay diiradda ka wareejiso la dagaalanka Al-shabaab iyo ajendayaasha kale ee beesha caalamka wadato.

AVV Cabdullahi Faarax Qaarey waxaa uu sheegay in dowladda madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo hor-taallo imtixaan adag oo ah sidii siyaasadda arrimaha dibadda u heli laheyd  madax bannaani iyo shakhsiyad, isagoo intaa raaciyay in haddii Faraamo looga yeero Adis Ababa sidii kuwii hore  isaga ka horeeyay ay noqoneyso nasiib darro.

Mr. Qaarey waxaa uu sidoo kale qabaa in Faraamo uu shaqada ka bilaabo in uu la hadlo dowladaha dhinac maraya Villa Somalia ee heshiis ganacsi la galaya maamul goboleedyada, dowladdii sidaasi sameysanaya ay khiyaantay dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

AVV Cabdullahi Qaarey waxaa uu ugu dambeyntii Madaxweyne Faraamo kula taliyay in uu ka fogaado wax walba oo dagaal iyo qalalaaso ka dhex-abuuri kara Soomaaliya iyo dalal kale isagoo intaas ku daray in taasi micnaheeda aaney aheyn in lala yimaado diblomaasiyad liidata iyo siyaasad haye raac ah.

Si, qodobada uu madaxweynaha ka hadlay u meel maraan, talooyinka aqoon yahankana ay dhaxal-gal u noqdaan Farmaajo waxaa hadda la gudboon in uu ka fiirsado wasiirrada mas’uulka ka noqon doona siyaasadda arrimaha dibadda, isla markaana ay waajib ku tahay suuq-geynta Soomaalida cusub.

W/Q: Cabdi Casis Axmed Gurbiye,