U bood dhigaalka

Farmaajo Iyo Jawaari Oo Villa Somalia Ku Shiraya Iyo Muuddeey Oo Berri Mudeeyay Mooshinka Jawaari

Sheeko:Baarlamaanka

Madaxweynaha J.F ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa 3dii saac ee ugu dambeysay waxaa kulan albaabada u xiran yihiin la lahaa guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulankan Farmaajo iyo Jawaari oo looga hadlayo khilaafka golaha shacabka iyo xukuumadda ayaa lagu wadaa in la isku afgarto arrimo badan.

Warar ay heshay Goobjoog News ayaa sheegaya in kulankan uu yimid kadib markii shalay ay madaxweynaha la kulmeen 7 Xildhibaan oo mataleysay guddoomiye Jawaari iyo kutladda “Badbaado”.

Dhinaca kale, qoraal soo gaaray Goobjoog News, uuna soo saaray Cabdiweli Muudeey, guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha shacabka,  waxaa uu xildhibaannada u diray fariimmo uu ku sheegayo in berri oo isniin Tr.09/04/2018 Saacadda 09:00 la qaban-doono kulanka guud ee golaha shacabka ajendahana uu yahay Mooshinka kalsooni kala noqoshada guddoomiyaha golaha shacabka.

Arrinta ah in xilligan Madaxweynaha iyo afhayeenka golaha shacabka isla joogaan, isla markaana uu soo dhaco fariintan Muudeey waxaa ay muujineysaa in khilaafka kale oo guddoonka ah uu sii jiri-doono xataa haddii la xaliyo midka golaha kala dhaxeeyo xukuumadda.

Golaha shacabka ayaan wax kulan ah yeelan tan iyo markii uu mooshinkan Jawaari soo ifbaxay 14-kii bishii hore, arrintan oo haddii ay sii socoto wiiqi karta howlihii golaha qaban lahaa kalfadhigan 3aad oo bil kadib geli-doona fasaxa Radamaanka.

Goobjoog News